T A C S I   :    "INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN" إنا لله و إنا إليه راجعون
talaal
Bahda Shabakadda jammaame.com,waxay halkaan usoo marinayaan Tacsi kulul,ahalkii ay ka baxdey marxuumadda:Xaawo Sheekh Xasan Deero, tacsi uga soo direyn dunida darfaheeda ahallada iyo macaariifta.. waxaanu leennahay, marxuumaddaa Ilaahay ha u naxariisto ahalkeedana Samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.
Marxuumad : Xaawo Sheekh Xasan Deero
كل نفس ذائقة الموت

KULLU NAFSIN THA'IQATUL MOUT


INAA LILLAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICuuN"

Marxuumaddaa ayaa ku geeriyootey dalka Soomaaliya , magaalada Moqdisho, xaafadda Madiina ,Arbaco 07/05/2008. ilaahay ha ka waraabiyo jannatul firdowsa, hana ku manneysto jannadiisa iyo naxariistiisa, bacdigeedana ilaahay nama fidneeyo, samir iyo iimaanna ilaahay ha ka siiyo qaaraabadii iyo ahalkii ay ka baxdey .
waxaa kale oo samir iyo iimaan loo baryayaa intii ay ka tegtey, oo idil meel kastaa ee ay kala joogaan, gaar ahaan carruurteeda, Aamiin..Aamiin.- Aammiin.. Aamiin.


INAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Halkaani waxaa tacsiyo gaar ah soo marinaayo reer Jeddah , una gudbinaaya gaar ahaan :Guddoomiya beesha Biimaal Al-Xaaji Abuukar Ibraahin iyo ku xigeenkiisa A-xaaji Cumar Maxamed Cali iyo guud ahaan odeyda iyo dhallinyerada Beesha waxayna la wadaagayaan xanuunka Guddoomiyaha Dallinyerda BYC mudane :C/qaadir Abuukar IIdle oo ku sugan magaalada Jeddah dalka boqortooyada Sacuudiga iyo Xaliima Cali Xasan Goodax oo ku sugan magaalada Rooma dalka Talyaaniga , waxayna u baryayaan inuu Ilaahay marxuumaddaa ka waraabiyo jannadiisa, kuna manneyysto naxariistiisa, bacdigeedana Alla nama fidneeyo.
Aamiin, Aamiin, Aamiin.


INAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Annaga oo kala ah, Xasan sheekh Cismaan, Saciid Muuse,Sheekh Cumar Geeldile, Maxamed Cali Cismaan Ciilley, Axmed Mukhtaar, Cabdullaahi Xasan Buuney, Ismaaciil Ibraahin, Maxamed Cumar Bakala, sheekh Nuur Caddaawe, Cabdalla OOntirow, sheekh Maxamed siid Cali iyo dhammaan ahalka inta ku sugan jeddah waxaan tacsiyo kulul la wadaageynaa walaalkeen, Cabdulqaadir "Tahriib" iyo xaaskiisa Caasha Axmidey iyo walaashiisa Xaliima Cali Xasan tacsiyadaan ku timid hooyadooda maanta Arbaco 07/05/2008.
waxaana marxuumadda u baryeynaa inuu ilaahey siiyo naxariis iyo jannatul firdowsa, bacdigeedana alla nama fidneeyo.
Aamiin, Aamiin. Aamiin.


Go Home

www.jammaame.com