Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

16/12/2007     SOMALIA IYO CAALAMKA

Taariikh nololeedka marxuumada Maano Xaaji Cabduraxman Ciise Cali Illaahey Janadii haka waraabsho Aamiin

Desember 15- 2007 Cowslafil , Alexandria, Italy .

MARXUUMADDA MAANA XAAJI CABDURAXMAAN CALI CIISE waxay ku dhalatay magaala madaxda gobolka Shabeelada Hoose ee Marka cadeey, waxa ay ka mid tahay muwaadiniinta soomaaliyeed ee la oran karo waxay qabteen hawl la taaban karo intuu jiray dagaaladii sokeeye. Marxuumadda waxay aasaastay xero lagu hayo laguna xanaaneeyo caruur agoon ah iyo hooyooyin dhibateeysan oo shaqo loo abuuray. Xerada lagu xanaaneeyo caruurta oo loogu magac daray AYUUB ayaa ah xeryaha ugu weyn uguna caansan soomaaliya.

Marxuumadda MAANA XAAJI C/RAXMAAN ayaa waxay ahayd qof aad guu ololeeya horumarka sida waxbarashada iyo wax u qabashada bulshada gaar ahaan kuwa tabarta yar, waxaana ay hawlo samafal oo waaweyn ka qabatay gobolkaasi, iyada oo gacanta ku heyn jirtay xaruumo kala duwan oo kuwa agoonta ay ka mid yihiin iyo kuwa waalidiintooda aan awoodin inay u helaan xag waxbarasho iyadoo ku dhiirigelin jirtay ardayda inay wax bartaan.

Caruurta agoonta waa 1206 oo lagu hayo xarunta AYUUB oo la aasaasay 1992 bisha agosto, ujeedada loo aasaasay xarunta oo aheyd sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinkii faraha badnaa ee ummadda la soo gudboonaadey oo ay keeneen dagaaladii sokeeye iyo abaarihii gaar ahaan waxay aad ugu guntatay sidii aay u badbaadin lahayd carruurta agoonta ah oo waalidiintooda ku dhinteen dagaalo iyo gaajo.

Marxuumada oo si aad ah xil isaga saartay la dagaalanka juhliga iyo sidii loogu abuuri lahaa iskuulo wax lagu baro carruur tiradooda gaareyso 7500 ayaa waxay dhaqan gelisay dhisida iyo furitaanka xarumo waxbarasho ka kooban 32 dugsi lagu barto waxbarashada aasaasiga iyo hal dugsi sare oo lagu barto cilmiga beeraha. Dugsiyada waxaa ka mid ahaa:

Janaale

Ugunji

Siigale

Malable

Busley Daud

Sagaarole Maduloow Bibi Maere

Adimoole

Bulo Mareer

iyo meela badan oo aan halkaan ku soo koobi karin.

Howsha (objectives) xarunta waxa ay ka dhigantahay:

Taakuleynta agoonta

Gargaarka dumarka laga dhintay ama garoobka ah

Waxbarashada aasaasiga

Mac-had farsamo;

Dugsi sare ee beeraha;

Abuuris iskaashatooyin

Caafimaadka bulshada;

Baraarujinta caafimaadka .

iyo waxyaabo aan la soo koobi karin.

Marxuumad Maano Xaaji Cabduraxmaan Cali Ciise howlaha muhiimka ah oo ay ka fulisay degaanada Gobolka Shabeelada Hoose ayaa ah kuwa badbaadiyey dhalaan/hooyooyin badan oo ku jiray marxalad aad u adag mudadii uu socday dagaalkii sokeeya isla mar ahaantaana mustaqbal u sameeya caruurta degaanka xaq waxbarasho,shaqo iyo farsamo taaso la oran karo Marxuumada howsha ay qabatay kuma koobneyn badbaadinta jiilka maanta kaliya balse wax qabadkeeda ay ka macaashi doonaan jiilisha/generation'da xiga.

Marxuumad Maano Xaaji Cabduraxmaan Cali Ciise oo mudan in wax qabadkeeda baal dahab ah laga geliyo taariikhda Gobolka Shabeelada Hoose ayaa geerideeda waxaa maanta la murugeysan dadyow aad u fara badan oo ku nool dalka gudahiisa iyo dibadiisaba, gaar ahaan caruurta agoonta oo ay halkaa ku xanaaneen jirtay dhamaanteen samir iyo iimaan Allaha naga siiyo, Marxuumadana Janatul fardowsa Allaha ka waraabsho. Aamiin. .

DIYAARIYE:

MAXAMED CALI XAREED.

ITALY

liban6256@hotmail.com

xigasho mahadnaq mudan:shabakadda Cawslafi

xafiiska shabakada jammaame
Maxamed C/laahi yamyam

Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005