Aniga oo ah Cabdullaahi Maxamed maxmuud iyo Xaaskeyga Maryan Qaasin ilaahay waxuu na siiyey 3 carruur, waana ku mahadineynaa, waxaase ilaahay inoo soo gartey wiil yer oo maanta lex jir ah, oo aan la doonaayo in la igu gargaaro caafimaadkiisa, kasi oo ilaahay uu ka dhigey mid aan waxba cuni karin, lexdaa sannadood waxuu ku noolyahay caano iyo wax la shiido oo keli, awood uma laha wax allaale waxii la calaliyo.
waxuuna ku dhashey indho la'aan , lugo la'aan, ay u dheerthay asaga oo aan waxba qabsan karin, u baahan in darabka laga qaado, caanaha uuu ku noolyahay laftooda u baahan in loo qabto, sida sawirrada yer ee aan idinku soo lifaaqey aad ka arki kartaan.
waxaan idinka baryeynaa wax allaale waxii la inoo tari karo, in la inagu taro, waxii qalbi naxariis leh uu ku jiro ayaan gargaar ka sugeynaa , intii inoo geli karto hay'adaha banii aaddan nimada ka shaqeeyo in la inoogu gudbiyo codsigeenaa.
walaalaha Soomaaliyeed meel kastaa ee ay joogaan ayaan gargaar ka dooneynaa, iyo waxii uu ilaahay nooga soo qaado, waxaana nahay dad aan waxba haaysan, abaaraha iyo cudurba ay inoo kulmeen, dalkiina kaga soo cararey dhibaatada ka taagan, ee ilaahay waxii la inagu taro beddelkeeda ha idinku soo beddelo wax kheer qaba, ubadkiinna iyo waxii aad ka naxaysaanna ha ka haayo dhibka haysta wiikeenna.
ilaahay idin ma baahiyo gacan dadaad, ee gargaarka waxaad nagala soo xariir kartaan telefoonnadeenna hoosta ku xusan iyo xarada dhagaxley.

MAGACA: MAHAMED ABDULLAHI MAHAMED Maxmuud
DA'DIISA: 6 SANO JIR (2005)
ASTAANTA CUDURKAAN WAXAA LAGU ARKAY BISHA UMUSHA LAGUJIRAY OO LAGU ARKAY QALAL. CUNTADA MARUUGIKARO, CUNTO ADAG MAQAADAN KARO WUXUU KUNOOLYAHAY CAANO IYO SHAY CUNO LASHIIDAY.

Hooyada:Maryan Qaasin
ubadka: 3 carruur
Mobile:00254714513582 -Abdullahi Mohamed
Mobile:00254713889075 - maryan Qasin
kuna woda jira xarada qaxooti ee dhagaxley ee dalka kenya.