Anigoo ah guddoomiyaha dib u heshiinta , kana tirsan guddiga maamulka Ururka BYC , kuna hadlaayo afka BYC iyo dhammaan dhallinyerada Soomaaliyeed, waxaan hambalyo guud ah u jeedineynaa Muslimiinta meel kasta ay ka joogaan dunida, gaar ahaanna dhallinyerada Soomaliyeed, weliba waxaan si gaar ah , hambalyada ciidul Adhxaa u soo gudbineynaa dhallinyerada BYC.
Waxaan Ilaahay ka baryeynaa inuu dalkeenna ka saaro dhibaatada ku habsatey, ilaa iyo dhowr iyo labaatankii sannadood ee tegey, taasi oo ay u horseedeen kuwa aan danta umadda iyo dalkaba ku fekerin.
Waxaa umadda Islaamka u baryeynaa inaay ku ciidaan si farxad iyo reenreen leh, isla markaana ay ciiddaani ahaato mid saadaal u noqota, nabad iyo degganaasho u horseedda ammaan dhaliya horumar.
Waxaan si gaar ah ula hadleynaa dhallinyerada Soomaaliyeed meel walbo ee ay joogaan inay u duubtaan sidii dalkeennaa looga saari lahaa dhibaatada, gaarka ku ah dhallinyerada meel kasta ay joogaan, kuwa dalka gudahiisa iyo kuwa debeddiisaba.
Munaasabaddaan Ciidul Adhxa, anigoo ka faa'iideysanaayo, waxaan dhallinyerada Soomaaliyeed guud ahaan , kuwa BYc gaar ahaan , waxaan usoo jeedinayaa, inay ka faa'iideystaan fadliga bishaan barakeysan, iyo ciiddaan barakeysan, inay naftooda Ilaahay u weydiistaan dembi dhaaf, isla markaana intii colaad laabtooda ku jirto ay iska saaraan, qof walbana ku tala gala sidii uu u saamixilahaa walaalkiisa Muslimka ah.
Waxaana xusayaa dhibaatooyinka maanta ka jira dalkeenna waxay u baahantahay in lab sami lala yimaado sidii loo gaaro danta dalka iyo dadkaba,isla markaana la helaa isu tanaasulid iyo isu garasho, taasi oo dhalinkarta in la woda gaaro nabad iyo wanaag,oo maanta uu u baahanyahay dalkeenna hooyo.