Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

20/04/2013     SOMALIA IYO CAALAMKA

Beelaha somaaliyeed baan =bakaal koodu nahay

1-Biimaal baa nala yiraa =bulshoy barasho wacan
2-Beelaha somaaliyeed baan =bakaal koodu nahay
3-Biyare ii barkaankey = bahda reer tagaalayn
4-Buraas iyo daadow = burhaanlayda reer ismiin
5-Baahal ii mareeg = baasiliinta reer maleele
6-Baando iyo gaafley =bahwaynta reer ciise
7-Bakad iyo niilow = bidhaanlayda reer seeme
8-Biti ii cambuurow = buruudlayda reer shiiq
9-Barbarkii badwayntiyo = burdunaalka hoombooy
10-Bilicsaney markaa = barin kaynu yahay
11-Bacaadihii Baraawiyo = ilaha bood boode
12-Baliyadii burgaanbaa =barbaartaynu buuxdaa
13-Baladkii jamaamiyo =banaanka faajeer
14-Beerihii janaalaa = beeshoodu nahay
15-Bidhaan wacan kamsuumiyo = boorowgii gamaase
16-Buulo iyo jilibweyn bay = bulshadaynu joogtaa
17-Baqal ii xawaalow =beehi iyo siyaame
18-Buqe ii rasdaay baa = baarqabkeen arooraa
19-Buufow ii shalaanbood = busleey ii naftaaquur
20-Biliq iyo waaday = waylaheen bariistaan
21-Barta laanta buuriyo = biyadhaca goobwayn
22-Beerxaaniyo kismaayaan = baynkoodu naalaa
23-Baryihii jihaadkiyo= baacsigii gumaysiga
24-Bakaalkii xuriyadiyo = baraaruga ninkii lahaa
25-Biimaal wayne inuu ahaa =buugagtay kutaal
26-Barxadii dhanaaniyo = baansaale ii xaar-xaar
27-Baqtiga kufrigiyo = buqnaha ninkii jaray
28-Biimaal wayne inuu ahaa = buugagtay kutaal
29-Barihii dagaalkiyo = buqcadii taruunlay
30-Baygoii talyaanigiyo = baaba`a ninkii baday
31-Biimaal wayne inuu ahaa = buugagtay kutaal
32-Baxsanow sheekh gaafliyo = Barow ii kabtooli
33-Beryo aan latirin iyo = gumaystaha ninkii baxshay
34-Biimaal wayne inuu ahaa = buugagtay kutaal
35-Bidhaamintii gobinimadiyo = badbaadintii somaliwayn
36-Barinkii lafooliyo = buurya qabka ninkii bireeyay
37-Biimaal wayne inuu ahaa = buugagtay ku taal

Abwaan
Hussein Gacal

Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005