Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

08/04/2013     SOMALIA IYO CAALAMKA

Qurba Joogga beesha Biimaal oo ka shirey xaaladda ka jirta dalka .

Calankeygiyow ha dhicin ha dheellinin, jiroo joog weligaa-UDUBLAND

Shir ballaaran oo ay qaateen qurba joogga beesha biimaal , oo ay ku woda kulmeen Skype, kuwaasi oo kla joogey dalal kala duwan UK, Italy, Sweden, Denmark, Norway, iyo Jeddah.

shirkaani oo socodey Muddo laba saacadood ah ayaa waxaa ka soo qeyb galey Odeyaal uu oogu weynyahay odey Cali Afarre,oo jooga UK, oo ahaa odeyga shirkaasi furey oo ay soo qabanqaabiyeen hablaha UK, isla markaana ahaa xariiriyaha Shirkaasi.

waxaa door weyn ka qaadey dhallinyerada dalalka kor ku xusan ,waxayna ka doodeen sidii loo dardar gelin lahaa ,horumarka beesha dhinac walbo, waxayna si xoog leh u falanqeeyeen xaaladaha ka jiro dalka guud ahaan, iyo gaar ahaan waxa ka dhacaayey maalmahaan, magaalada marka.

dooddaani oo taabaneysey dhinacyo badan ayaa waxaa ka mid ah, dhaliil xoog leh oo ay usoo jeediyeen dhallinyerada, aragtida beesha gudha iyo debeddaba , dhaliil aad u xoog badan , oo ku saabsan xildhibaannada beesha oo u muuqda inaysan kaba tirsaneyn beeshaani oo aan marna ka hadlin dhinaatada beesha ay ku hayso beel kasoo hayaantey gobollada dhaxe.

arrintaasi oo si bareerar ay aqaar u sheegeen, inaysan xildhibannada beesha ahayn kuwa matali kara danta beesha, oo aan soo dhicin karin xuquuqdooda, inkastoo ay ku jiraan rag lagu tilmaamo rug caddaa siyaasadeed, isla markaana aysan ka hadlin dilalka qorsheysan ee ka dhaca gobolka gaar ahaan ay soo qaateen dilkii loo geystey Nabadoon Sablaale, oo todobaadkii hore daba yaaqadiisa lagu diley magaala Madaxda Gobolka shabeellada hoose, ee Marka.

Waxaa kale oo ay diiridda saareen in loo baahanyahay in si bareera ah loo sheego xuquuqda beesha ee maalin walbo meel looga dhacaayo, sida weerarrada ka dhacaayo gobolka shabeellada hoose, iyo maamulkaan isku magacaabey Jubaland oo si toos ah loogu xad gudbaayo xuqquda beesha oo aan marna la qaadan karin.

waxay dhaliil u jeediyeen aqoonyahanka beesha ee gudaha iyo debedda oo aan xilkooda kasoo bixin kuwaasi oo arkaaya , in ragga facooda ah ay xuquuqda beesha ku tumanayaan oo aysan ka hadlin idaacadaha iyo tvyada caalamiga ee soomaaliyeed.

waxaa dhaliil ay u jeediyeen aqoonyahanka iyo maalyahanka beesha oo ilaa hadda isu xilsaari waayey inay sameeyaan TVyo iyo Idaacado, oo ay dhaqaalahooda kasoo ceshankaraan, oo ah meel la maal geliyo, kana soo baxaayo, isla markaana ay kaga xuroobaan tvysa beelaha kale ee mar walbo lacag ay ku bixyaan ,sidii ay doonaanna usoo daayo , oo lacag iyo fekradba ay meesha kaga baxdo.

waxaa odey dhaqameedka beesha siiba kuwa joogo gobolka ,kuwaasi oo ah kuwii asal ahaan hiddo iyo dhaqanba ay beesha u lahayd oo waajibaadkooda gudan waayey , oo ay hawlahooda ay ku qaraabtaan kuwa kale, amase ay ku takri falaan kuwa siyaasadda hor booda, oo marba qof meel kasoo qabta, una gudbiya dowladda , ayaga oo ka dhigaaya kuwaan macbiilka ah, inay yihiin kuwii beesha u matilaayey hidda iyo dhaqan ahaan , sida suldaan, ugaas, faqe, milaaq, islaaw, wabar, iyo garaadba.

Waxaa si gaar ah , looga doodey , kala firirsanaanta ka jirto qurbaha , hase yeeshee la go;aansadey in arrintaasi laga baxo, oo maamullo isku xiran la sameeyo, iyo lacag joogta ah, oo ay iska aruuriyaan sidii , loo sameen lahaa mashaariic horumarineed, isla markaana loo soo tira koobi lahaa dal walbo, loona sameen xariir joogta ah, iyo guddi wareega oo isku keenaa, beesha , kana dhaadhicya baahida gobollada beesha degto ka jirto..

oogu dambeenti ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyey sidii loo joogteen xariirradaan , loogana miro dhalin lahaa, isla markaana la joogteeyo woda tashiga, lana ballaariyo xariirka joogteydsan , lana helo guddi dhaxaad ee warku u woda gudbiyaa , meel walbo , lana socodsiiyaa xaaladaha meesha ay mareyso, iyo waxii loo baahanyahay.

waxuuna ku dhamaadey is af garad wanaagsan , noqon karo mid tillaabooyinkiisa ay muuqandoonaan goor dhow, xariirka gudahana sidaa loogu xiridoono, waxayna baaq u direen in xariirkaani oo kale ay woda qaataan qurba joogta maalmaha fasaxyada ay qabaan, iyo xilliyada habeenkii, si ay arrintu u noqoto mid joogta ah.


xafiiskda shabakada Jammaame
jeddah

Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005