Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

14/05/2008     SOMALIA IYO CAALAMKA

Degmada jamaame oo ay dagaallo kusoo noqnoqonayaan.

Muddoo laga joogo bil ayaa waxaa ka dhacey in beelaha dega , tuulooyin ka tirsan degmada jamaame ay dhibaato dhex martey, taasi oo ka billaabatey, in laba mooryaan oo ka kala tirsan laba beelood ay dhex martey is xabadeen, halkaasi oo mid uu ku dhintey, meesha kii kale uu la wareegey qori uu wotey, kii halkaa ku dhintey.

Kan la diley ayaa waxaa u soo kacey beelaha dega webiga jiimadiisa, halkaasi oo ay weerar kusoo qaadeen tuulada Buulo Muuse, oo aan ka fogeyn Beledul Amiin, iyo Kamsuuma, halkaasi oo ay kasoo ay ku dileen laba nin , isla markaana kasoo dhaceen ilaa iyo 500 neef adhi.

Ka dib goortii ay arrintaasi dhacdey ayaa waxaa dhex galey Ilmo reer SHeekh Farxaan oo ka tirsan culumada iyo ubadkii reer sheikh Murjaan oo ah Ilmo Awliyaad oo tixgelintooda gaarka ah ku leh, degmada jamaame, halkaasi oo shirar dhexdhaxaadin ah laga sameeyey.

Ayada oo lagu heshiiyey in lasoo celiyo xoolahii, ay soo dhaceen , hase yeeshee keli waxaa dib loo soo celiyey in dhan 300 oo neef adhi inta kalena la waayey, oo muran iyo soo caddeen loo baahdey.

Waxaa kale oo ay bixiyeen duugtii hal ruux, kan kalena laga soo qaadey inuu u dhigmo dilkii dhanka kale laga diley, sidaa ayay sheekadii ku qabowdey, hase yeeshee mooryaan labada dhinac kasoo jeedo ay dib dhibaato u billaabey, ka dib markii ay qaar, bililiqo ka dhigeen tuulooyin ka tirsan deegaanka, siiba beled Amiin.

Meesha ay kuwa kalena ay soo dhaceen lo' fara badan, hase yeeshee laga daba tegey oo laga soo dhiciyey lo'dii ay qaadeen reer jiimo, waxaa intaa u dheer fara xumeen ay u geysteen gabadh , ay halkaasi ka heleen, taasi oo keentey lab la kac , iyo dhibaato, isla markaana tuulooyinkii halkaa ka dhowaa ay u keentey bara kac iyo kala carar, ayada oo ay ka baqayaan inay arrintu gaadho aar gudasho , dhibaatooyin intaan ka badan ka dhalato..

Dhibaatooyinkaan dambe ayaa dhacey manta oo Talaada ah bishuna tahay 13/05/2008, waxayna ka dhaceen Baladul Amiin iyo Buulo Muuse iyo hareerahooda, hase yeeshee odey dhaqameedyada deegaanka ayaa ka woda arrimahaani sidii loo dejin lahaa, dadkana loo badbaadin lahaa..

Dhibaatadaan ayaa noqotey mid soo noqnoqto, taasi oo ay horsed u yihiin mooryaan , aan marna u aaba yeelin deganaashada deegaanka, taasi oo ku dhow inay u horseeddo bara kac, iyo amaan darro, saa darted odey dhaqameedka deegaanka ayaa loo baahanyahay inay arrimahaani si adag ooga hortegaan, siiba kuwa xoolaha dhacaaya , isla markaana hablaha fara xumeynaaya , taasi oo deegaanka uu ka nabad qabi jirey weligii.

Xafiiska shabakada jammaame


Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005