Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

13/05/2008     SOMALIA IYO CAALAMKA

WAXBA KAMA SOO BAXAYAAN SHIRKA JIBUUTI HADDII AN LALA XAAJOONIN MISE LA MAQUUNANIN XASAN DAAHIR AWEES

Sida la xasuusanyahay waxay ahayd bilowgi bisha abril ee sannadkaan 2008, marka ay soo baxeen wararka muujinayey in wakiillada kooxda ka soo horjeedda dawladda kmg inay ka soo dibceen mowqifkoodi adka oo ku aaddana wada hadallo ay kooxdaas la gasho dawladda, soo dhawaashada iyo dibacasanaanta kooxda martida ku ah Casmara waxaa laga fahmay hadallada waqtigaas ka soo yeeray Sheekh Shariif Axmed oo laga sii daayey warbaahinta gudaha iyo dibeddaba, sida BBC-da laanteeda af-soomaaliga, waxaana si weyn u soo dhaweyey hadallada Sheekh Shariif Axmed wakiilka Xoghaya Guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliya, waana arrintaasna midda keentay in lagu ballamo shir lagu qabto dalka Jibuuti oo ay ka soo qayb galaan dawladda fkmg iyo mucaaradka.

Hadeer sida an aragnay taariikhdii lagu ballansanaa shirka waxaa soo xaadiray madasha Jibuuti wafdiga mucaaradka oo markii hore la sheegay inu hoggaaminayo wafdigaas Sheekh Shariif Axmed oo wata mowqif gebi ahaamba ka soo horjeeda mowqifki oo uu horey ugu dhawaaqay oo laga wada dhagaystay badi ahaan warbaahinta caalamka, Sheekh Shariif wuxuu dafaray warkii uu asiga si caddaan ah horey u sheegay oo ahaa in kooxdiisa ay diyaar u ahayd inay dawladda la yeelato wada hadallo, haddana wuxuu Jibuuti ka caddeeyey ninkaas inaysan la shireynin wafdiga dawladda kmg.

Ha yeeshee taas waxaa ka dambeysay in isla maalinti xigtay ay soo muuqato inuu jiro madax kale oo an ahayn Sheekh Shariif oo hoggaaminaya wafdiga reer Casmara oo shirka Jibuuti u soo xaadaray, waxaana laga dareemay hadallada hoggaankaan dambe ee wafdiga mucaaradka mowqif ka si dabacsan midkii maalin ka hor u ku dhawaaqay Sheekh Shariif.

Haddaba, sida muuqata kooxda Casmara waxa soo dhex galay jahwareer xooggan, ha yeeshee muuqaalkaan waa mid been ah, jahwareerka ma ahan mid ku baahsan kooxda dhexdeeda, madaxda dhabta ah ee kooxda sida Xasan Daahir iyo Yusuf Indhacadde iwm way isku xiranyahiin waana isku mowqif mana rabaan heshiis, ha yeeshee jahwareerka waa mid ku kooban qaar ka mid ah shaqsiyaadka ka tirsan wafdiga mucaaradka Casmara, sida Sheekh Shariif Axmed oo mar walba lagu qasbo inuu asiga isbeeniyo.

Haddii an ku soo noqonno ka hadalka shirka dibuheshiisiinta oo haddeer la rabo in laga socodsiiyo Jibuuti, haddaba shirkaan ma qabsoomayo haddii la qabtana wax dhab ah oo wax tar u yeelankara xaaladaha dalka ka jira kama soo baxayaan, maxaa yeelay madasha shirka waxaa ka maqan shaqsiyaadka dhab ahaanti wax ka qabankaray xakameynta dagaallada iyo colaadda oo dhibaatooyinka adag ku haya Ummadda Soomaaliyeed. Dagaalladaan ku si baahaya gobollada dalka oo idil waxaa hoggaanka u haya Xasan Daahir Aweys iyo kuwa ay isku beesha yihiin iskuna xiranyahiin, sidaas daraadeeda marna suuragal ma noqonayso inay Soomaaliya nabad ka dhalato haddii marka hore an lala xaajoonin mise la maquunanin ina Daahir Aweys.

Xasan Daahir Aweys ma doonayo inuu dawladda kmg la galo wada xaajood, maxaa yeelay wuxuu ogyahay in wada xaajood uu la galo dawladda kmg inaysan uga soo baxaynin wax asiga qanciya, dawladdana sidaas ayey u ogtahay, maddaama la yiri " nin naagtaada raba kaama yeelo gabadheyda yaan ku siinayayey ee naagta ii da'".

Xasan Daahir iyo raggiisa ma rabaan mana ku qancayaan jagooyin laga siiyey maamulka dawladda, waxayse rabaan una aqaltaagayaan hanashada hoggaanka sare ee dawladda, sida madaxweyne, mise ra'iisalwasare waxayna ogyahiin in jagooyinkaas aysan ku heleynin wada xaajood ay la galaan dawladdaan kmg.

Xasan Daahir Aweys oo ah sarkaal militeri oo waayo arag ah wuxuu ku taamaya inuu talada dalka uu xoog ku qabsado, sidaas daraadeeda wuxuu qorshestay dagaalladaan oo bilowgi hore ku koobna magaalada Xamar iyo ag-aagaarkeeda, waqtigaan la joogana sida an arkayno dagaallada waxay wada saameyeen guud ahaan gobollada dalka, xataa qulqulutooyinka amaandarrada ku saleysan oo waayahaan dambe ka socda gobollada iyo degmooyinka Puntland waxay ka mid yihiin dagaallada uu qorsheeyey Xasan Daahir, sida kuwa ka socda gobollada Jubbooyinka, Gedo, Bay iyo Bakool. Marka Xasan Daahir wuxuu aaminsanyahay inuu qarka u saaranyahay qabsashada talada dalka, sidaas daraadeeda ninkaan dan uma arko wada xaajood uu kula galo dawladda kmg shirka Jibuuti.

Dhinaca kale Xasan Daahir iyo asxaabtiisa ma wada qasaarayaan haddi ay u suurageli weyso inay ku guleystaan dagaalladaan loo qorsheeyey in dalka lagu wada qabsado maxaa yeelay, kolleyba waxaa meesha ku jirta maslaxada dawladda Eritreya oo daneneyso inaysan marna joogsanin dagaallada iyo colaadaha ka jira Soomaaliya, si aysan halkaan uga bixin ciidamada Etiyobiya, sidaas daraadeeda Xasan Daahir iyo kuwa ay isku heybta yihiin haddii ay tooda u fuliweyso waxay fulinayaan talada madaxweynaha ay u shaqeeyaan mise Afawarki.

Cali Cumar:
sablaale1@hotmail.com


Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005