Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

12/05/2008     SOMALIA IYO CAALAMKA

Sifeenta Gobolka Shabeellad Hoose.

Dhaqdhaqaaqa iska caabinta Biimaal

Gobolka SHabeellada Hoose waxuu noqdey gobol , aan lagu tala gelin dowlad ahaan iyo maamul ahaan in dhibaatada laga dul qaado, taasi oo soo jiitameysey ilaa iyo 17kii sano, ee la soo dhaafey.

Ka dib markaa xariir fara badan la sameyney wax garad beelaha ku nool gobolka , siiba intooda jecel inuu gobolka noqdo , gobol iskiisa u madax bannaan inuu maamulkiisa dhisto, inuu danaha dadweynaha gobolkalaga shaqeeyo, ayaa waxaa usoo woda baxdey dhibaatooyinka soo socdo.

Gobolka dhibaatada baaxsan ee dul saaran ayaa waxaa cad inay tahay mid ay hor muud ka yihiin, kuwa u dhashey qaar ka tirsan taasi oo ah geedii yiri , misaarey ima goyseen hadduusan gumudkeyga kugu jirin.

Dhibaatada waxaa gobolka uku haayo in yer oo ka timid gobolalda dhexe, oo isla markaana adeegsado dadka u dhashey gobolka, kuwaasi oo ah in yer oo dhuunui raac ah, in yer oo afar jeeblayaal ah, in yer oo calooshood u shaqeystayaal ah.

Waxaa la ogaadey in kuwaasi ay dheefta gobolka ay ka helaan 100kiiba in aan ka badneyn 3%, isla markaana debedda loo dhoofiyo waxii maal ee laga hela gobol,ka debedda, oo ay maamulka kuwa haaya ay xisaab ka woda furteen, oo ay ku shubtaan, 93% ee soo hadha.

In yer oo loo oggolaadey inay hay'ado leh, iyo in dhaqaale beec mushtari leh, iyo in ahba ciidamo ay ku shaqeystaan kuwa ka soo hayaamey gobollada dhaxe, intaa ayaa waxaa u dheer qaar ka tirsan culumada gobolka , sida sheekh hebel iyo sheekh hebel, oo ayagu diin u haaya, si aysan dadka gobolkau dhashey aysan u diidin maamullada ka jira,, ee ayaga siiya bunkooda iyo sheehooda.

Waxaa jira qaar kale oo ayagu ku shaqeeya faalka iyo sixirka iyo kitaab fiiris, iyo xiddigo fiiris, oo intaba ka tirsan kuwa caada qaatayaasha ah, intaa oo idil waxa la siiyo ayaan ka badneyn , oraah iyo in yer oo ay carruurtooda canbuulo oogu karsadaan.

waxayse garan waayeen inta ay dadka ay u shaqeeyaan inta ay qaataan inay tahay xaqii ay ayagu lahaayeen , oo keli laga siiyo dhuuni qoys, iyo falluur laafid, intoodaba waxay noqdeen kuwa kasoo horjeeda danta dadweynaha gobolka u dhashey, iyo maslaxadda owlaadooda dambe.

Waxaa hubaal noqotey dadka gobolka lagu laayo inay woda yihiin kuwa u shaqeeya daalimiinta gobolka xoogga ku haaysto, hase yeeshee , go'aanka kasoo baxey aragtida aqoonyahanka iyo indheer garadka gobolka shabeellada hoose, ayaa noqdey sida tan:-

1- Gobolka marna kama xuroobaayo kuwa ka yimid gobollada dhexe, ilaa marka hore uu ka xuroobo , kuwa u dhashey gobolka isla markaana u shaqeeyo maamullada ka yimid gobollada dhexe.

2- denbiga koowaad ee dhibaatada ka jirta gobolka waxaa hor muud u ah intaan kor kusoo xusney, kuwaasina waajibkooda waa in marka hore la marsiiyaa, inta aan laga hjadlin kuwa xoogga ku maamulo gobolka.

3- Shareecada keli loo tiigsankaro, waxay tahay, sharciga ah, qofka jaajuuska ah amase khaa'inka ah, jidka keli u bannaan waa in la marsiiyaa sharciga, kaasi oo la woda yaqaan oo aan u baahneyn sheegid.

Waayo arrimaha soo socdo darteed, oo ah:-

a- Asaga oo loo arkaayo inuu yahay gumudkii misaarta ku jirey, oo ah waxii gobolka ka dhacey ee dhac, kufi , boob, dil, xarig inuu hor muud ka ahaa.

b- Asaga inuu ahaa kii bixinaayey talooyinka lagu soo qabto dadka gobolka u dhashey, iyo asaga oo wararka ka been abuuraayey, sidii uu u heli lahaa in yer oo lacag ah.

4-Waxuu u horseedey dib u dhaca ku yimid, waxbarashada, caafimaadka, dhaaqle burburka gobolka , iyo faafidda cudurrada iyo gaajada, waayo hadduusan raaci leheen dhiig miiratada waxaa hubaal ah, inuusan gobolka intaasi oo dhibaato inaysan ka dhici laheyn, saa darteed mdudunkiisa oo keli waa asaga oo laga dhex saaro dadka uu ka dhashey, lagana hor mariyo kuwa maamulka xoogga ku haaysto.

5- Raacidda iyo taageeridda Dowlad kastaa ee sheegata inay dalka u dhalatey, ayaa gobolka ku noqotey mid aan marnaba usoo sidin dheef iyo dan dadka u dhashey gobolka saa darteed aqoonyahanka waxay ka mideysan yihiin, inay gobolkooda ku dulmanyihiin, tan iyo intii uu maamul iyo maamul ku sheeg ka jirey dalka, maantana ay doonayaan amaseba ay u baahan yihiin inay dib ayagu isu habeeyaan, ka dib markii ay arkeen dhibaatada halka ay salka ku haayso.

aniga oo ku ahadlaayo af dhaqdhaqaaqa , waxaa digniin cad ku bixinayaa, hawsha kala inay taagan tahay wax ma garatada in gobolka laga qabto meel kastaa ee ay ka joogaan , iyo wax kastaa ee ay ka hayaan, ilaa ay ka noqdaan kuwa ka shaqeeya danta gobolka iyo dadka u dhashey.

Maamulka ay dowladda federaalka ah ay dooneyso inay u dhisto gobolalda koonfureed waxaa ka horreeyo marka hore inay dadka gobollada ay xaq u yeeshaan aragtidoodda iyo maamulkooda iyo dhaqaalahooda, haddiise aan taasi la helin , waxa la woda ayaaba iska ah, dhaldhalaal aan waxba ka jirin, inta uu ku miriridoonana aysan fogeen.

Waxaan halkaan ka caddeynayaa, mujaahidiinta gobolka , naftooda hurayaasha gobolka inay hawshooda gudandoonaan, taasi oo aan u sheegeyno kuwa u arko inay yihiin argagixiso,inay ogaadaan argagixiso keli inuu yahay qofka gurigiisa ka yimid iyo intii la halmaashey, ee uusan ahayn kan gurigiisa laga xoogey amase loogu yimid.

Waajibka saaran aqoonyahanka iyo indheergaradka iyo dhallinyerada waa inay u gutaan sidii ay ku sifeen lahaayeen gobolkooda , ugana dhigi lahaayeen mid u qalma nolol sharaf leh, iyo magac wanaagsan oo ay ku diirsadaan.

AF-hayeennada - BIREM
U.K., Bariga Dhexe , Soomaaliya

Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005