Sidaan la soconno wararka ayaa waxay maalmahaan kusoo baxayaan in qorsho ballaaran uu ka socdo magaalda Baydhoba, kaasi oo lagu dhisaayo maamul dowlad goboleed ka kooban ilaa iyo lix gobol.
Xildhibaanno iyo xubno siyaasiyiin ah oo ka kala socodo gobolladaasi ayaa shirar ka wodey ilaa muddooyinkaanba magaaladaasi , kuwaasi oo ah shirar aad xasaasi u ah, lagana doonaayo in lagu askumo hab maamul , laguna saleeyo dheef woda qeybsi cadaalad ku dhisan.
Ka dib goortii ay burburtey dowladdiii dhaxe , waxaa meesha ka baxey Soomaalinimo iyo Islaannimo, taasi oo ay dhidibadada u aaseen , xoogaggii gobolladaasi ka dhaliyey dhibaatooyin fara badan taasi oo markii hore lagu taageerey Soomaalinimo iyo walaal jaceyl hase yeeshee isu rogtey, mar haddaan kaa sare marey kaa kicimaayo.
Taasi waxay dhalisey inay dadkii kala amaan baxaan , oo ay noqotey nin walbow xooggaa iyo gaashaanka garabkaa amase garab walaalkaa, taasi oo maanta keentey in arrinta aan marna la arag arrin wanaagsan, ilaa laga rogrogo dhinac walbana laga joogsado.
Taasi oo noqotey gartaan laba ruux ka woda farxinin, haddaba side baa lagu heshiindoonaa, mar arrinwalboo la keeno , haddii lagu xiro, reer hebel iyo reer hebel, taasi oo markii hore ka maqneyd dadka kobolladaani ku nool , hase yeeshee maanta la barey, mase dhicidoontaa inay Soomaalinimada ay dib u rumeystaan!!.
Si walbana ha ahaatee waxa socodo ayaa ah dib usoo nooleen dowlad Koonfur galbeeddii uu mar hore soo asaasey Shaar Gaduud , intuusan ku biirin dowladdii Cartey, taasi oo meesha ka saartey dowladdiisii, ahayd mid ay dhisteen Digil iyo Mirifle, haddase waxaa lagu soo biiriyey ilaa Afar gobol.
Magaca ma kiisii buu ahaandoonaa, mise waxaa loo raadindoonaa magac cusub, si aysan u dhicin, magac dad ay sameysteen , oo dad kale ay la wadaagaan ayaga oo aan meelna aan kaga tirsaneyn, kolle waa weydiin meesha ku jirto.
Isweydiin fara badan ayaa ka taagan dowlad koonfur galbeed asaasiddeeda, iyo ola jeedooyinka ku qarsoon in lesyku keeno lixdaa gobol, ayada oo la ogyahay in la doonaayo in la Soomaaliya laga sameeyo dowlad federal ah, haddana weli faanoole fari kama qodna.!!
Gobollo fara badan ayaa weli aysan ka jirin dowlad goboleed, oo ay dowladdu ku adagtahay inay ka dhisto dowlad goboleed, hase yeeshee loo fadhiye gobollada dhaxe sidii looga sameen lahaa maamullo mideysan.!!
Oogu dambeentii haddii aysan si cadaalada ay ku dhisantahay , aan maamulka dowladda Koonfur Galbeed loogu habeynin, waxay noqondoontaa abuuritaan dhibaatooyin cusub, taasi oo ka imaandoonto kuwa maanta ku mamey dheefta gobolladaasi oo aan diyaar u noqondoonin in cadaalada wax lagu qeybsado.
Taasi waxay keenidoontaa in gobol kasta inuu dantiisa aysaga ka shaqeeyo taasi oo keeni karta in gobollada ay kala amaan helaan, mar haddii dadkiisa oo keli maamulka hayaan, si looga baxo dhibaatooyinka maanta taagan.