Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

05/05/2008     SOMALIA IYO CAALAMKA

Hambalyo iyo bogaadin 2

qoraalka kusoo baxey shabakada jammaame, kuna saabsanaa heshiiska ay ka dhigeen odeyda beesha Biimaal ee magaalada jeddah, waa wax farxad gaar ah geliyey beesha Biimaal meel kasta ee ay joogaan.

Runti heshiiskaasi waxuu farxad weyn gelin beesha inteeda kale gaar ahaan aqoonyahanka dalka gudahiisa iyo debeddiisa sidaan wararka ku helley, waxaa shabakada xafiiskeeda la soo xariirey aqoonyahanno kala jooga dalka debeddiisa iyo gudahiisa, ayaga oo muujanaaya farxad iyo taageero.

Gaar ahaan waxaa si farxad ay ka muuqato , kasoo jeediyey hambalyo aqoonyahan iyo rag siyaasiyiin ah ee ku sugan dalka gudahiisa, oo lasoo xariirey xafiiska shabakada ee baydhoba, waxayna muujiyeen in heshiiska beesha dhax martey ee ay sameeyeen reer Jeddah , inay tahay tillaabo mudnaanteeda leh, loona baahanyahay walaalha meel kastaa ee ay joogaan inay gacanta is qabsadaan taasi oo ah, dhaqankii ay leheed beesha inta ay soo jirtey.

qoraallada ku soo baxey shabakada ayaa noqdey mid ay daabacdaan xubno ka tirsan beesha oo ay isla dhex wareegaan ayaga oo ay ka muuqato farxad aan tilmaan lahayn, weliba ay qaarkooda leeyihiin, tani waxay ahayd tillaabo loo baahnaa ina mar hore la qaado, hase yeeshee mahaddeeda waxaa leh , odeyda kasoo shaqeeyey oo ay u horreeyaan xaaji Abuukar iyo Xaaji Cumar oo kala ah, guddoomiye iyo ku xigeenka maamulka beesha ee magaalada jeddah.

Weliba waxaay qaar ku tilmaameen heshiiskaan in loo baahan yahay inuu noqdo mid lagu qoro baal dahab ah, waayo waxuu soo celiyey kalsoonidii beesha dhaxdeeda ka maqneyd muddadii dalka uu ahaa dowlad la'aanta iyo tan waqtiga la joogo.

oogu dambeentii inta la soo xariirtey shabakada xafiisyadeeda xamar, Marka Jammaame, Baydho, ayaa waxay woda cdeeyeen farxad iyo guul, isla makaana duco woda raaciyey inuu noqdo heshiiskaani mid taariikhi ah oo lama illoobaan ah, isla markaana horey tillaabada loo qaado , sidii beeshaani u gaarto una hesho mudnaantii ay lahayd.

waxaa si gaar ah faraxd u mujiyey xildhibaannada ku sugan magaalada Byadhoba, oo sheegey inay tani tahay tillaabo horumar leh, ahna mid farxad weyn gelisa siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka beesha, waxayna sheegeen , tillaabadaani oo kale inay ka sugayaan xubnaha beesha meel kastaa ee ay dalka iyo debedda ka joogaan inay ku deydaan waxgaradka iyo odeyda reer jeddaha, oo aan ku ognahay inay yihiin kuwa weligoodba u ahaa hormuud, dhaqaaq kastaa ee hrumar ah ee la sameeyo.

waxayna u baryeen inay howsha wax qabadka leh ee lagu yiqiinney ay halkaasi kasii wodaan.

Maxamed C/laahi yamyam
xafiiska shabakada jamaame- Baydhoba


Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005