Waxaan ka araknay shabakada Jammaame.com taariikhda4/5/2008 warbixinta la xiriirta shir ay magaalada Jidda ku yeesheen odayaasha beesha Biimaal oo ku nool carriga Sacuudiga, waxaan ku faraxnay go'annada qiimaha badan u leh beeshaan oo laga soo saaray shirkaas oo ay qabteen odayaasha wax garadka ah oojecel horumarka beeshooda.
Waxaa hubaal ah in go'aannada iyo talooyinka ka soo baxay shirka ay magaalada Jidda ku qabteen odayaasha wax garadka ah inay wax weyn ka taridoonaan isfahamkaiyo isu soo dhawaashada qaybaha beesha, waxaana xaqiiqo ah in go'aannadaan iyo talooyinkaan inay bixinayaan oo ay meesha ka saarayaan istuhunki iyo kala dareen-qabkii waayahaan dambe ka jiray beesha dhexdeeda.
Waxaa hubaal ah in tilaabada wax ku oolka ah oo ay qaadeen odayaasha Jidda ku shiray inay noqonayso mid xaqiijinaysa midnimada beesha Biimaal.
Annagoo ah jaaliyadda beesha Biimaal oo ku nool Waqooyiga Mareekanka waxaan bogaadin iyo tahniyad udiraynaa dhammaan odayaasha wax garadka ah oo ka qaybqaatay abaabulka iyo qabashada shirka beesha Biimaal oo lagu qabtay Jidda taariikhda 3/5/2008.
Jaaliyad ahaan waxaan hambalyo iyo bogaadin gaar ah udirayna:
1-al-Xaaji Abuukar Ibraahim Faarax (Qorofow)oo si mudnaasho ah loogu doortay inuu hoggaamiyo jaaliyadda beesha Biimaal oo ku nool carriga Sacuudiga.
2-al Xaaji Cumar Maxamed Cali (Mordi) oo ah ma daalaha hormuudka ka ah abaabulida shirarka beesha oo lagu qabtay Jidda, oo haddana si u garasho ah loogu doortay ku xigeenka hoggaanka beesha ee Sacuudiga.
3- iyo dhammaan Odeyaasha wax garadka ah ee dhaliyey guushaan lama illoobaanta u ah beesha meel kastoo ay joogaan.
Jaaliyadda beeshaan ee North Amerika waxay mahadnaq iyo bogaadin u diraysa al-Xaaji Xasan Sheekh Cismaan Gasba oo mar walba ku soo gudbiya shabakada Jamaama wararka wax tarka u leh danaha beesha.
WAA BILAAHI TOWFIIQ.