Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

04/05/2008     SOMALIA IYO CAALAMKA

Barlamaanka ku meel gaarka oo shir ku yeeshey magaalada Baydhoba .

Barlamaanka ayaa shir ku yeeshey magaalada Byadhoba, halkaansi oo xildhibaannada ay so'aalo weydiiyeen rta'iisul wasaare nuur Cadde, kuwaasi oo ahaa arrimo ku aaddan amaanka iyo dhaqaalaha.

xagga amaanka ayaa ahaa mid la weydiiyey, sababta keentey inay ciidamada qalbi jab ku keentey, waxuuna sheegey inuu 80%, ay dhacdey goorta uu qabtey, hase yeeshee waxuu caddeeyey inay dhibaatada ka horreysey magacaabiddiisa, taasi oo tilmaan usoo qaatey in hoobiyayaal fara badan lagu soo ridey una socdey ilaa iyo shan maalmood.

taasi oo tusaale u ah inay dhibaatada ka horreysey maamulkiisa , fara ka baxa amaanka,tan ku saabsan dhaqaalaha iyo sidii uu u maamuley, iyo weliba arrimaha dib u heshiisiinta iyo kulamadii uu la yeeshey odey dhaqameedka hawiye, uuna kula kulmey Moqdisho iyo Jebuuti, iyo waxii uu kala soo kulmey, iyo sababaha uu oga hadliwaayey.

Ra'iisul wasaare Nuur Cadde ayaa ayaa u cudurtay Barlamaanka ka hadlid la'aanta dhibaatda iyo amaandarrada , taasina ay iska sixidoonaan xubnaha dowladdiisa, hase yeeshee dhanka dhaqaalaha iyo dhanka amaanka ayaa waxuu ku tilmaamey inay wax ka qabteen, sida joojinta quutul daruuriga kasoo baxo dalka sida digirta iyo gelleyda , taasi oo hir gasheyt.

goorta la jalleeco arrimaha amaanka ayaa ah mid u muuqda inuu faraha ka baxaayo kaasi oo ka muuqdo inay dowladdu iyo xubnaheeda oo awood u yeelan la' isu socodka Moqdisho iyo Baydhoba, weliba ay wararka sheegayaan inay cabsiga soo siyaadey ka dib markii duqeyn lagu diley Aadan Xaashi Ceyrow, oo ka tirsanaa macallinka dhaqdhaqaaqa al-shabaab.

waxaa soo kordhey weerarrada lagu qaadaayo dowladda iyo ciidamada Etoobiyaanka iyo kuwa Aafrikaanka ay u dheertahay marar badan in la maqlo in al0shabaab ay la wareegeen maamulka magaalooyin kala duwan ,inkastoo ay ka baxaan oo aysan gacanta ku haayninm hase yeeshee taasi waxay keentey inay dowladda u muuqato inay tahay mid aan awood u haaynin al-shabaab, oo marba meel ka dhul daaro.

Taasi waxay tusaale u noqotey daciifnimo ka muuqato dowladda federaalka, isla markaana dhiirri gelin u noqotey kuwa kasoo horjeedo dowladda, taasina waxay kordhineysaa, inay rabshadaha iyo is jiidjiidka ka dhaxeeyo kooxaha kasoo horjeedo dowladda iyo dowladda lafteeda.

Taasi waxay kordhineysaa, dhibaatda ka haaysato ciidamada Etoobiyaanka oo xaaladda nafsiyadda ciidamadaasi ay ku timaado qalbi kab, ayna u sababahay xagga , kalsooni darrada ciidamada Etoobiyaanka oo ah sababta ay ugu dhimanayaan dalka Soomaaliya oo aan ahayn mid qancisa, iyo ayaga oo u dhimanaaya dad aan abaal oogu haaynin, iyo dalkooda oo aysan ka heleynin tix gelin u dhiganta dhibaatada ku haaysato Soomaaliya.

Taasi oo u ah guul sugan kooxda ka soo horjeedo dowladda, isla markaana u arko inay ciidamadaani ay yihiin kuwa gumeysi ah oo dalkooda ay ka saaridoonaan waqti kasta iyo wax kastaa ee ay ku qaadatoba, isla markaana ay u arkaan inay yihiin ciidamo u shaqeeyo Mareekanka oo dalka Soomaaliya dhowr weerar cirka kaga soo qaadey dalka Jebuuti.

Dhanka dhaqaalaha ayaa ah mid aan awood u leheen inuu daboolo awoodda iyo baahida dowladda, taasi oo ay u dheertahay sicir bararka ka taagan dunida oo idil oo ay ka cabanayaan dowladaha dhisan ee nabad gelyada qabo, dalka Soomaaliyse waaba dal aan leheen wax dowlad dhaqaale leh.

dhibaatadaasi ayaa wxaa kordhiyey, lacag la'aanta dalka ka taagan, taasi oo dowladda aan marna lacagi leheen, tan iyo hadda , taasi oo ahayd inay dowladdu ahaataa tillaabadan kowaad ee inay qabtaan loo baahnaa, hase yeeshee waxaa ay isku halleeyeen lacagihii been abuurka ahaa, oo lagu tuhmaayey xubno ka tirsan dowladda, iyo lacagtii duugta ahayd ee dowladdii dhaxe ee Siyaad Barre.

isku soo duub dowladda federaalka muddada u dhiman iyo wax qabadkeeda ayaa ah mid aysan kasoo muuqan wax tar aan ka ahayn xoogag burburey iyo xoogag xusub oo dalka ka dhashey, dadweynahase waxaa haaysta mar walbo dil iyo burburin, gaqrgaar ay suganyaanna ma muuqdo oo aan ka ahayn, xag Ilaah.

xafiiska shabakada jamaame


Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005