Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

03/05/2008     SOMALIA IYO CAALAMKA

Fadhi mudan xusid iyo ku deyasho, oo ka dhacey magaalada Jeddah.

shirar fara badan ayaa dhexmarey beesha Biimaal xubnaheeda kala duwan ee ku sugan dalka boqortooyada sacuudiga siiba magaalada jeddah.

Ayada oo shirar fara badan horey ooga dhacey meelo kala duwan, kaasi oo lagu lafu gurey dhibaatooyinkii soo dhacey 17kii sannadood ee dalka uu ahaa dowlad la,aan.

Shirkaani oo ahaa kii labaad ee lagu lafa guraayey dhibaatooyinkii horey usoo dhacey, ee ka dhacey dalka gudahiisa, kana dhashey tix gelintii iyo walaaltinimadii luntey, oo lagu yiqiin beesha Biimaal, iyo jiilalka soo baxey oo aan marna aqoon u leheen hiddahii iyo dhaqankii soo jireenka ahaa ee ay beesha ku dhaqmi jirtey.

Dhibaatooyinkaasi oo ay xoojiyeen ,beelo aan aqoon u leheen dhaqanka beesha Biimaal ,oo ah mid quruumo fara badan soo jrey, isla markaana dhibaatada kordhiyeen dhalli yero aragti gaaban iyo qaar ah calooshood u shaqeystayaal ah, oo aan marna tix gelin heybaddii iyo dhaqankii beesha ee soo jireenka ahaa.

Shirkaani ayaa waxay si woda jir ah u woda qirteen dhibaatooyinkii dhex marey beesha xubnaheeda kala duwan, taasi oo si ficil xumo iyo garaad la'aan ay keentey, iyo isu garaabid la'aanta ka jirtey beesha dhexdeeda, oo ay sii kordhinayeen beelo ay dani oogu jirto inay beeshu kala jabsanaato, taasi oo ay aslaxo oogu jirto, iyo joogitaankooda gobolka shabeellada hoose gaar ahaan.

shirkaani ayaa si toos ah loogu aqoonsadey loona qirtey dhibaatooyinkii walaalo qaari ay gaarsiiyeen walaalahooda, oo si toos ahna loogu cudurdaartey intii gef loo geystey , isla markaana leysu hoydey, taasi oo farxad gaar ah ,laabta gelisey.

odeydii shirkaani soo qabanqaabisey iyo intii kasoo qeyb gashey ayaa muteystey duco , isla markaana waxaa go'aanka la gaarey uu yahay sidii loo gaarsiin lahaa beesha meel kastaa ee ay joogaan dalka debeddiisa iyo gudahiisa in la ogeysiiyo midowga beesha xubnaheeda, isla markaan waxay go'aan ku gaareen.

- In heshiiskaan walaalaaha beesha Biimaal dhex marey in loo gudbiyo dalka gudahiisa iyo debeddiisa.

- In beesha meel kastaa ee ay xubin ka joogto inay tix gelin siiyo heshiiskaan ku dhisan walaaltinimadii iyo mid nimadii Biimaal, lagana waantoobaa, dhibaatooyinkii horey u dhacey oo kale inaysan soo noqon.

-In beesha oo dhan aysan marna u dul qaadan inay kuwa ka talinaaya kala googoonta beesha, oo ay iskaga qabtaan gacan bir ah, isla markaana ay dhan ooga soo woda jeestaan kuwooda xun iyo kuwa kala doonaaya kala dhantaalidda midnimada beesha.

- Inaan marna loo dul qaadan kuwa war xun tashiilka iyo kuwa ay ku adeegtaan beelaha gobolka kusoo duuley, iyo kuwa dhuuni raaca ah ee danaha beesha siista waxa cuno qoyska ah.

- In aqoonyahanka , Indheer garadka, Siyaasiyiinta, Culumada Waxgaradka , dalka gudahiisa joogo iyo kuwa debdda joogo oo idil inay ka woda shaqeeyaan midnimada beesha iyo isla markaana ka shaqeeyaan sidii beesha ay meel ooga soo woda jeesan lahayd ,si deegaanka looga saari lahaa dhibaatadaan ku habsatey ilaa iyo 17kii sannadood ee lasoo dhaafey.

oogu dambeentii odeyda beesha Biimaal ayaa waxay soo gabagabeeyeen shirka oo ay ku khatimeen duco iyo in waxii maanta ka dambeeyo ay beeshaani tahay mid dhan kasoo woda jeedo, taasi oo ay farayaan inay sidaan iyo si ka fiican walaalaha meel kastaa ee ay joogaan ku dhaqmaan, ayna ogaadaan beeshaani intii aan oqoonin keli ay ku hungoobayaan kala diliddooda, saa darteed ay beeshu meel kastoo ay joogaan u sheegayaan maanta waxii ka dambeeyo:"BIIMAAL WAA MID, WAA MID" intii aan taa ogeennee waxaan leennahay, ayay yiraahdeen" BIIMAAL AYAA KAA BADAN".

Fadhigaani waxaa goob joog u ahaa, salaadiin, ugaasyo, cuqaallo, odeydhaqameedyo , indheer garad, aqoonyahan, waxaana si gaar ah goobtaasi lagu xilsaarey duqa beesha Biimaal iyo ku xigeenkiisa, oo kala ah, guddomiye : xaaji Abuukar Ibraahin faarax(qaroofow) , ku xigeenkiisana Xaaji Cumar Maxamed Cali(Moordi), oo ayagu ka tirsan odeydii beesha oogu soo horreyey ee soo gala boqotooyda Sacuudiga isla markaana ku leh mudnaan gaar ah beesha dhaxdeeda.

shirka ayaa lagu soo gabgabeeyey ayada oo afar afar lagu akhristey, midnimada beeshana laga caddeeyey inay tahay muqaddas.

xafiiska shabakada jammaame



Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005