Sida ay wararku sheegayaan , weerar circa ah, ayaa lagu qaadey guri ku yaal magaalada Dhuusa mareeb, halkaasi oo ay dhuumaaleysanayeen , hoggmiyo kooxeed ka tirsan Al-shabaab.
Weerarkaani oo dhacey xaley habeennimadii ayaa waxaa la filayaa inay qaadeen ciidamada cirka ee Mareekanka , ee saldhiggoodu uu yahay dalka Jebuuti.
Halka ay wararka qaarna leeyihiin waxaa laga yaabaa oo dhicikarto inuu weerarka ka yimid maraakiibta fadhiya xeebaha dalka Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay weerarkaani soo qaadeen.
Weerarkaani ayaa lala beegsadey guri ku yaal magaalada Dhuusa Mareeb , ee ka tirsan gobollada dhexe, halkaasi oo ay ku tuhmaayeen , xubno ka tirsan hoggaankla kooxda Al-Shabaab.
Weerarkaani ayaa waxaa lagu diley tiro wararku ay sheegayaan gaareysa ilaa iyo 8 ruux , waxaana ka mid ah hoggaamiye kooxeed "Aadan Xaaji Ceyrow".
Mujaahid Ceyrow , ayaa ahaa nin aad u af gaaban oo aan xariir la sameynin wargeysyada , hase yeeshee ahaa nin ku soo tababartey dalka Afqaanistaan, isla markaana ahaa raggi asaasey kooxda al-shabaab, ka dib goortii maxaakiimtu u jalleecdey dhanka siyaasadda daba yaaqadii 2006dii, sida ay kooxdaasi sheegtey.
Aadan ceyrow ayaa ka tirsanaa ragga ay Mareekanka ku tiriyaan inuu ka tirsanyahay argagixisada caalamiga ah , ayna ku raad taagnaayeen ilaa muddadii uu Mareekanka soo saarey siyaasadda ah ,la dirirka argagixisada caalamiga ah.
Ceyrow dhintey sida ay wararku sheegayaan, hasee yeeshee imisa Ceyrow kale ayaa soo bixidoono, marba haddii siyaasadiid Ceyrow dhalisey ay weli dunida ka jirto, taasi waxay u taallaa Mareekanka iyo inta rumeysan in Aadani xoog lagu maquuninkaro.