Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

30/04/2008     SOMALIA IYO CAALAMKA

Ra'iisul wasaare Nuur Cadde oo ka degey Byadhoba

Maanta waxaa kazoo degey garoonka dayaaradaha ee magaalada Baydhoba oo saldhig u ah dowladda federaalka ku meel gaarka. Wafdi uu hoggaaminaayo , raiisul wasaare Nuur Cadde, kana tirsan wasiirrada xukuumaddiisa.

Socdaalkiisaan waxaa ku wehelinayey wasirka gaashaan dhiigga dowladda federaalka Mudane Muxyidiin Xaaji, halkaasi oo wasiirka uu billaabey inuu la kulmo xubnaha dowladda ka tirsan.

Dhanka kale waxaa maalmahaan soo kordhaayo dhibaatooyinka ka imaanaayo kooxaha kazoo horjeedo dowladda federaalka, kuwaasi oo warar fara badan ay sheegayaan in maalinba ay magaalo gacan ku dhigaan.

Imaatinka ra'iisul wasaaraha ayaa waxaa ka horreeyey ayada oo gudoomiye gobol loo sameeyey gobollo kala duwan sida Bay , oo wararka ay sheegayeen in keli ay dowladda gacanta ku hayso magaalada Baydhoba, afarta kalese ay gacanta u gashey kooxda Al-shabaab.

Inkastoo taasi ay dowladda beenisey, haddana waxaa la woda ogyahay in kooxda Al-Shabaab ay ka af-dheertahay dowladda, xagga idaacadaha iyo warbaahinta, hase yeeshee xaqiiqada keli jirta ayaa ah in dhibaatada ay ku dhacdo dadweynaha oo keli.

Dhanka kale waxaa manta ka dhacey magaalada baydhoba qarax weyn oo geystey khasaare naf iyo maalba, halkaasi ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen ilaa iyo 7 ruux , dhaawacuse uu intaasi ka badanyahay.

Inta halkaasi ku dhimatey ayaa waxaa ka mid ahaa askari Etoopiyaan ah, inta kale ayaa ahaa rayid, taasi oo ay ku kaceen kooxaha ka soo horjeedo dowladda federaalka ku meel gaarka.

Maxamed C/laahi yamyam

Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005