Alshabaab waa magac carbeed macnihiisuna yahay dadka dhalinyarada ah muqaawamana waa dad isu tagay hadaf kastaba ha lahaadeenee labada magacna waxa ay ka soo jeedaan xuruufo carbeed maadaama umadda soomaaliyeed ay tahay Ummad muslim ah %100 dadyowga carbeed iyo shacabka soomaaliyeed ay ka dhaxeeyaan xidhiidh soo jireen ah oo weyn oo ku salaysnaa islaanimada ganacsiga Iyo shacabka soomaaliyeed oo ku biidhay sannadkii 1974tii ururka dowladaha carbeed ee loo yaqaanay jamacatul carab markii intaa la isu geeya aya waxaa soo baxay muqaal carbeed .
Haddaba akhristow xaqiiqda runta ah ma aha sidaa, shacabka soomaaliyeed waa shacab muslim ah oo afrikaan ah deganna dhulka saxaaraha ka hooseeya ee loo yaqaan geeska Afrika magacyadaa la qaatay ma ahan kuwa diin ku salaysan ee waa kuwa huwan siyaasad lagulana dagaalamayo dhaqankii soo jireenka ahaa oo faca weynaa oo ay soomaalidu lahayd oo wax badan ka baddelnaa midka ay shucuubta carbeed leedahay ummada muslimka ahna waxaa ka dhaxeeya kitaabka alle iyo sunnada nabigeenii suubana naxariisi korkiisa ahaatee iyo labada masaajid ee masjadul xaramayn iyo masjidul aqsaa intaas baana walaalo lagu yahay wixii kaloo soo hadha waa lagu kala duwanyahay oo lakala leeyahay .
Magacyada aanu kor ku soo sheegnay iyo kuwa kale oo aanu hore uga hadalnay ma ahan kuwa laga hoos dayi karo masaaliixda ummadda soomaaliyeed waxayse u muuqdaan kuwa si toos ah u burburinaya hanaanka dowladnimada iyo qaranimada iyo in xal loo helo dhibaatada shacabka soomaaliyeed ku habsatay oo sannadahan aad u badatay dhibaatadaasoo wajiyo badan leh ,dowlad la'aan,sababtay dagaal sokeeye Boob ,dhac ,kufsi,wax kastoo xumaan ah oo baniaadam ku kaco oo dalkeenii ka dhacay khayraadkii dalkoo si toos ah iyo si dadbanba loo boobay Wasakhda neuclarka oo lagu shubay badaheenii dhirtii iyo xoolihii oo dibadda loo iibgeeyay intaasoo dhibaato ah waxaa kulmiyay hogaankii dowladnimo oo meesha ka baxay diintii ilaahay oo laga been sheegay ..
Marka si shacabka soomaaliyeed uu uga baxo dhibkaa waa in la isu tanasulaa si dhab ahna loo heshiiyaa dowladda jirtana la taageeraa iyadoo ay muhiim tahay in ilaah loo noqdo mudnaanta kowaadna la siiyaa diinta islaamka iyada ayaa wax walba lagu gaarayaa intaasu waa iga talo.
Mid labaadna waxaan idinku leeyahay shacabka soomaaliyeed oo nabadda jecelow Ethiopia inay maanta dalkeena soo gasho waxaa sababay kuwa hadda rabshadaha wada iyo kuwii hore dagaalka u bilaabay ee marba shaar gadisan u soo gashta shacabka soomaaliyeed Oo la baxay maaxkamadaha qof kastoo idinka idin ka mid ahna waa uu ka dharagsanyahay waxa ay rabaan amaba danta ay leeyihiin ujeedadooduna waxaa weeye inaan nidaam iyo dowlad iyo kala danbayn aanay marnaba la helin .
Waayo waxay ka faaiidaan shacabka dhiigiisa caruurtooda iyo naagahoodaba dibadaha ayay gaysteen kulligood, waxay hubka u dhiibayaan oo ay leeynayaan waa dad caruurtood , Waayo haday iyagu dagaalka ku jiraan waa la dili lahaa amaba waa la qaban lahaa kuwooda ugu shaarka weyn oo ay ka midka yihiin Cayroow ,Hassan Daahir Aweys,Cabdi Qaasim Salad booy,Indho cadde,Mansuur ,Balli,Ibraahin Suulay ,iyo kuwo badan oo isqarinaya ,waxaana hubaal ah in ay adduunka idinku wadaan silic iyo hoog aakhirana naar bay idiin wadaan diinna looma daba fadhiisan karo nin guri booli ah ku jira beel boolina maalaya ama shacab ha lahaado amba dowlad ha lahaadee waxa uu dadka ka iibinayana ay yihiin ribo iyo sicir barar kuwaa iyaga ah qofkii qabiil ku taageera waxaa hubaal ah inuusan dhaxal fiican ka helayn waxaana hubaal ah in la soo qaban doono maalin aan fogayn .