Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

28/04/2008     SOMALIA IYO CAALAMKA

Soomaaliya, Maxaa loo gargaari waayey?!!

Dalka Soomaaliya waxuu dowlad dhexe la'aa tan iyo 1991, ka dib goortii ay burburtey dowladdii dhaxe ee ciidamada Soomaaliya ee uu madaxda ka ahaa madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, dalka waxuu noqdey mid ka dhacey jar dheer aan gun lahayn.

Waxaase aan leys weydiinin, qof kastaa waa uu kufi karaa, amase wuu dhici karaa, hase yeeshee waxaa hubaal ah inuu dhulka gaaraayo marka uu kufo, amase uu dhaco, waxaana sugan inuu ka kacaayo, hase yeeshe dhicitaanka iyo kufitaankaa u dhamaadey dhulka , waxaa waajib ah inuu ka kaco qofka, hase yeeshee weydiinta ayaa waxay tahay goormuu ka kacayaa kufitaankaa?!

Kicitaankiisa waxay ku xirantahay sida uu u dhacey, inuu dagdeg uuga kaco, iyo inuu meel ka jabey ee uu doonaayo inuu isu diyaariyo sidii iyo habkii uu u kici lahaa, lagaba yaabee, inuusan kaba kici karin jabka gaarey dartii, markaasina waxaa hubaal ah, in loo gurmanaayo, oo halka uu ka jabey laga kabaayo inta la baaniyo.

Haddaba taasi markii aan ku saleyno xaaladda dalka Soomaaliya, ayaa waxaa inoo soo baxaayo so'aallo fara badan oo u baahan in laga jawaabo, amase ay Soomaalidu iyo dunida is weydiiyaan, si loo arka arrinta dalkaani ka taiga.

Dowladdii dhexe ee dalkaa ka jirtey , miyay dhacdey mise waa ay kuftey mise waa ay jabtey, ?sidee bay xaaladdu u dhacdey? .

Kolle ma aysan kufin, waayo kufitaanu taraaturood iyo dhicitaan ayuu mid ahaan lahaa, marka ma ahayn turaanturrood, ee waa dhicitaan, haddaba hadday dhacdey , maxay u kici weydey? Mise waa ay jabtey?kolle waxaa muuqata inay kici weydey, haddaba waxaan qoyaaseynaa inay jabtey!!.

Haddaba jabkeeda ilaa heerkee buu gaarsan yahay ? waxaa inoo muuqato , inuu yahay , jab aan yereen , waayo way la kiciweydey, oo waa taa weli jiifta halkii ay ku dhacdey, waxaase is weydiin leh, maxay Soomaalidu u kicin waayeen , waxaan filayaa, dhicitaanka inuu ahaa mid cid kastaa gaadhey, oo qof walbo uu la jabey, saa darteed dadkii dalkaani u dhashey oo idil waa ay woda jabeen.

Haddaba weydiinta oogu dambeyso waxay tahay, ogaanney inay woda jabeen Dadkii dalkaani ku noolaa, maxaase dunida u gargaari weydey oo ay u kicin weydey?.

Jawaabta inoio soo baxeyso ayaa waxay noqotey mid u kala qeybsan laba qeybood, oo kala ah, dalkaani dadkiisa oo woda noqdey dad jabku maskaxda ka woda tirey, oo aan marnaba garan heerka ay marayaan iyo halka ay u socdaan amase loo wodo, iyo dunidii gargaarka la timid amase usoo gurmatey oo noqotey laba kala dan ah.

Labadaa kala danta ah, ayaa waxay isku qabsadeen jabanahii dushiisa, ayaga oo ku dagaallamaaya, sidii ay u kala qeybsan lahaayeen jabanahaan jirkiisa iyo dharkiisa, iyo dhurkiisa, iyo dhulkiisa, taasi waxay noqotey inay halkaasi ku gargaariwaayaan dalkaan iyo dadkiisa woda jaban.

Haddaba dalkaan iyo dadkiisa ma jiro wax doonaayo inuu wax taro ilaa ay usoo noqoto , maskadii ka tegtey si ay usoo ceshidaan caafimaadkii ay ku kici lahaayeen, mase jirto cid u maqan iyo ceel u qodan, iyo dhaan u maqan midna.

Talada dalkaanna waxay la maqantahay maskaxda maqan, miyirna waxaa oogu soo horreeyo goorta ay gartaan kuwa ay gargaarka ka sugayaan, inay ku dagaallamayaan sidii ay u kala qeybsan lahaayeen, dhulkooda iyo jirkooda, iyo dheeftooda.

Waxaana leennahay Soomaaliyeey waad kala maqantahay, ilaahna kuma gargaaraayo sida diinteenna lagu haayo, oo leh, labadii is khilaaftaa sheydaanka inuu seddaxeeyo, marka sidaad u caafimaaddaan xaqa usoo noqda, cid idin maqan ma jirtee!!!

Xaayle Eemaan Suufow
xaayle278@hotmail.com

Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005