Soomaaliya ayaa noqotey digsigii karshayaalkiisa bateen, waagii beryaaba waxaad maqleysaa, ayada oo arrimaha Soomaaliya oo laga hadlaayo, taasi oo noqotey, digsii koariyayaalkiisa bateen, oo cunno xumeeyey.
Siyaasiyiinta dunida marka ay kulmaan, goortii ay dhameystaan hadalladooda ayaa waxay madadaalo ka dhigtaan xaaladda ka taagan Soomaaliya, kuwaasi oo warar siiya saxaafadda dunida inay ka woda hadleen arrimaha qasan ee ka taagan Soomaaliya.
Waxaa shirkooda ku soo qaadey, arrimaha Soomaaliya madaxweyne habel iyo madaxweyne hebel, ras'iisul wasaare habel iyo ra'iisul wasaare hebe;, maareeye hebel iyo maareeye hebel, iyo hebla iyo heble, war yaa dhiman oo doonaayo inuu ka hadlo arrimaha Soomaaliya, ma filaayo inuu hadhey ruux doonaayo , amase dhiman oo aan weli ka hadlin!!.
Haddaba digsigaane, bislaan diid, cunnadiisana xumaatey, haddaba ha la dejiyo sidii loo hagaajiyo karintiisa, sidii ay carruurta u helaan luqmad yer oo ay naftooda ku ceshidaan.!!
Soomaaliya, ayaan u muuqan inay ku tala jirto inay gaadho xal kama dambeys ah sidii ay u gaadhi lahayd barrul amaan, taasi waxay ka muuqataa, ayada oo weli ay u kala safantahay qansax iyo qurac, kabxan iyo mareer,taasina ma dhicidoonto inuu garas noqdo mandharuug!!
Haddaba beentu yaan carruurta lagu madadaalin, digsigaan dhagxaanta lagu gurey ee debka saran inuu soo bixlaandoono, ee waa in runta loo sheego carruurta sidii ay u sugi lahaayeen goorta uu digsigaa bislaandoono.!!
Kuwa isku haaya siyaasadda , dhanka dowladda oo etoobiyaanka gaasaan buursanaayo, iyo kuwa ka soo horjeedo ee gaashaan buursanaayo dowlado kala duwan, waxaa saaran, inay ka tanaasulaan beelnta ay u durbaan tumayaan, oo ah inuu mid qalbo gar leeyahay, waayo mid walbo digsigiisa boqolaal kooke (karshe) ayaa gacanta kula jiro, saa darteed waa inay runta u sheegaan umadda Soomaaliyeed ee maalin walbo sugaayo inay helaan luqmada bisil oo caafimaad qab ah!!
Soomaaliyeey, dantaada waa inaad ogaataa qansax iyto qurac , garas iyo mareer, docol iyo deelaal, cadey iyo yicib,iyo iyo iyo , intaba inay dhulka ka woda baxaan sidii ay dhulka u qurxan lahaayeen, ayaga oo aan is diidin, ee hoos usoo daadega, danta waxay ku jirtaa inaad nabadda ku raadisaan runta aan dulmi ku dhisneyn.!!
Cadaaladda waxay imaan kartaa adinka oo runta qirtaa , intii la dulmeyna u qirtaa inay yihiin dhibbaneyaal, lagana shaafiyo, dhibaatada gaadhey, haddiise taa aysan dhicin, waxaad ogaataan weli inaad ku socotaan jidkii habawga ahaa, mana dhicidoonto inuu digsigiinana bislaado, karshooyaalkana inay idin ku bataan mooyee, ha sugina inaad cuntaan cunno caafimaad qab leh.!!
Digsigiinna diidey inuu bislaado, carruurtiinnana gaajo iyo cudur ayay Iu idlaandoonaan, haddii aadan isu tanaasulin, oo aadan runta usoo dhaadhicin, intaad saarantihiin sartaa dheer, oo aad ku jirtaan aqalkaa caagga ah, digsigiinna bislaan diid ku ogaada.
Xaayle Eemaan Suufow