Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

26/04/2008     SOMALIA IYO CAALAMKA

Marka: Gudoomiyaha Gobalka shabeelaha hoose oo qiray falalka amaan daro ee ka jirta gobalkiisa.

Marka (AllPuntland) - Gudoomiyaha Gobalka shabeelaha hoose Cabdiqaadir Sheik maxamed nuur ayaa markii u horeysay ka hadlay xaaladaha amaan daro ee ka jira gobalkiisa.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in ay jirto xaalad ammaan daro oo aad u baahsan, taasoo sababteeda uu ku sheegay, howlo ay ciidamada amaanka gobalka uga maqan yihiin xuduudaha uu gobalka la wadaago Gobolada dalka.

Mr Cabdiqaadir ayaa tilmaamay in Ciidamada qaarkood ay yihiin kuwo tababar gobalka uga maqan, waxaana uu ka codsaday dawlada federaalka in ay ciidamo gobalka usoo diraan si ay gacan uga geysan lahaayeen sugida amaanka tan iyo inta ay dib uga soo laabanayaan ciidamada amaanka gobalka.

Dadka socotada ah ayaa walaac weyn ka muujiyay dhibaatooyinka kooxaha burcada ee gala wadooyinka, waxaana dadkaas oo gaadiidka saaran ay kala kulmaan dhac xoogan kooxaha burcada.

Deegaanada gobalka shabeelaha hoose waxaa ka dilaacay kooxo burcad ah oo isbaarooyin dhiganeysa, waxaana ilaa iyo hada aanu jirin isku day uu maamulka uga hortagay kooxahaas, marka laga reebo cudur daarada uu bixinayo gudoomiyaha ee ku aadan wax ka qabashada arrinkaas.

Gobolka shabeelaha hoose waa gobol istiraatiiji ah, kaasoo deris la ah caasumada soomaaliya ee Muqdisho, waxaana gobalka uu ku caan yahay wax soo saarka beeraha iyo kaluunka.

cabdicasiis Maxamed
AllPuntland


Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005