Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

22/04/2008     SOMALIA IYO CAALAMKA


Shirar kala duwan ayaa ka dhacey meelo kala duwan, oo ay hoggaamineyso QM, iyo dowladda Jebuuti, intaba waxaa soo food saarey arrimo culus, ka dib markii dagaallo qaraar , markii uu maalmahaani ka socdey Moqdisho.

Hadallada kasoo yeeraayo odey dhaqameedka beelaha Hawiye, af hayeennadooda oo kala duwan ayaa waxay muujinayaan inuusan socondoonin heshiiska dib u heshiinta la doonaayo in dalka laga dhigo, sida ay markii hore ku woda dhawaaqeen.

Dhibaatada dhacdey maalmahaan , dagaalada lagu qaadey kooxaha kasoo horjeedo dowladda, amase ay ayaga ku qaadeen , ayaa waxaa ka dhashey inay ku geeriyoodaan dadweyne fara badan.

Dhanka kale af-hayeenka Maxaakiimta Sheekh Ibraahin Suuley, iyo Sheekh Shariif oo ah guddoomiyaha Isbaheysiga dib u xureenta ayaa idaacada qaar u sheegey inay hakindoonaan woda hadalkii la dooonaayey in Soomaalida lagu heshiisiiyo.

Waxaa kale oo idaacadaha war siiyey odeyaal ka tirsan beesha hawiye ayaa asagana ku timaamey , dib u heshiiska la doonaay, mid ah : woda heshiis ku sheeg," iyo inuusan ahayn heshiis.

Dhibaatada dalka ka taagan ayaa noqdey mid tillaabo in laga qaado u baahan, taasi oo Soomaalida oo idil saaran in arrimaha ka taagan dalka Soomaaliya inay ka fiirsadaan, waayo dunida kuma tala jirto inay Soomaalida wax u qabtaan, ee waxaa la doonayaa in dalka ay ka woda cararaan.

Waa inay ogaadaan, dhibaatadii , Leebeerya, tii Burunid , tii ruwanda , tii Uganda, tii Kongo, oogu dambeentii tii ka dhacdey bil ka hor dalka Kenya, waa la woda xalliyey, hase yeeshee tan Soomaaliya ayaa noqotey hongor meel xun kasoo baxdey oo aan la dooneynin in la xalliyo amase la gooyo.

Haddaba dadweynaha Soomaaliya intuu ku noolyahay cudurka maskasda ka qabsadey ee ah qabyaaladda iyo is riix riix, ayaa waxay ku waayni doonaan dalka iyo dad, sida ka muuqato dhacdooyinka taagan maalmahaan .

Soomaaliya talo ayay u baahantahay oo aysan ka sugeynin hoggaan iyo dunidaba, oo weliba degdeg ah, haddiise la waayana waxaa hubaal ah inay dal iyo dad midna aysan helidoonin.

Hadalka ayaa waxuu u dhacayaa in dib u heshiisiinta umadda Soomaaliyeed ee uu hor kacaayo ra'iisul wasaare Nuur cadde mid sidaan ku banjarayao, taasi oo keli dheef u ah, kuwa doonaayo inuu dalka ku sugaado burburkaan, ilaa ay ayagana ku waayaan waxii ay heli lahaayeen

Xafiiska shabakada jammaame


Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005