Muddooyinkaan dambe ayaa waxuu guux marba kasoo yeeraayey maamulladii kasoo hana qaada dalka sida tii, Cabdi Qaasin, tii Maxaakiimta oo la doonaayo in lagu xakameeyo ku takrifalid khayraadka dalka.
Hase yeeshee maamulladassi ayaan marna ku guuleysanin meel marinta amarradaasi, oo weliba ay mar kastaa ee arrinta joojinta dhuxusha iyo xola duureedka iyo gurista amase gubista dhirta , ayaa waxaa ka dhasho kordhin muuqda, waayo kuwa falkaasi ku dhaqaaqa ayay u muuqataa inay ka gaarsiinayaan inta aan la meel marin qaanuunkaa.
Ayaga oo xiilado farabadan la yimaado , sida in loo oggolaado inta u yaal oo keli in loo oggolaado dhoofinteeda siiba dhuxusha, taasi oo markaasi ay sii kordhiyaan gubista dhirta iyo dhoofinteeda.
xeerarka loo soo dejiyey ayaa ah mid aan marna meel marin, waayo kuwa hawlahaasi ku lugta leh ayaa adeegsado dhaqaale xoog leh, oo dowladda lafteeda kala jebiya, amase kuwa amarka bixiyada kala dhantaalo, ayada oo ay u dheertahay heebta lafteeda oo ah mid ay howlahaasiba ku meel maraan.
Oogu dambeentii Xukuumada faderaalka soomaaliya ayaa amar deg deg ah ka soo saartay dhoofinta lagu hayo dhuxusha iyo qeybaha kala duwan ee dalagyada dalka ka soo go'a, iyo xoolo duureedka oo waayaahaan danmbe xalufintooda soo korodhey.
Kulan Golaha wasiirrada yeesheen ayaa laga soo saaray go'aannadaas ah inaan dalka laga dhoofin karin Dhuxul, iyo khayraadka dalku leeyahay, kuwaasoo lagu tilmaamay in ay qeyb ka noqdeen saameynta sicir bararka, maanta dalka ka jiro.
waxay go'aansadeen, laga billaabo bishan juun,19da, in Dikadaha iyo Garoomada Diyaaradaha Dalka aan muddo 3 bilood,laga dhoofin karin kheyraadka dalka kana mid tahay dhuxusha, taasoo nabaad guur ba'an uu ka dhashay dhirtii dalka.
Wasiirradu waxay is tilmaameen in xaaladaha adag ee dalka ka jira ay qeyb weyn ka qaadanayaan xaalufinta dhirta soomaaliyeed iyo jarista geedaha taasoo dhuxul laga dhigo, ka dibna loo dhoofiyo dalka debeddiisa, ayada oo dhaqaalaha ay ka helaan aysan u dhigmin qiimaha ay leedahay dhuxusha ay dalka ka qaadaan.
maalmahaan dhibaatada dunida ka jirta , waxaa ka dhashey inay dowlad walbo ay ku tala gashey inay waxa dalkeeda ka soo baxa ay sku filleysiisa, oo aysan dhoofin, saa darteed dowladaha doofiya bariiska waa ay joojiyeen, saa darteed, dunida ayaa waxaa ku soo kordhey dhibaato si gaar ah u taabata nolosha iyo maciishada maalmeedka dunida oo dhan.
wasiirada uu taasi ku tillaabsanaayo mid u dhiganta ayaa waxay joojiyeen waxyaabaha dalka kasoo baxa sida gelleyda,Bariiska,Digirta,Sisinta iyo kuwo kale ee la dhoofiyo.
Tallaabadan lagu joojiyay dhoofinta dalagyadaas ayaa lagu macneeyay in ay qeyb ka tahay sidii loo yareyn lahaa baahida ka jirto dalka Soomaaliya ee ku aadan qiimaha raashinnada dibada laga keeno ee la iibsanayo, bedelkii shacabka ay u iibsan lahaayeen dalagyada dalka ka soo baxa, taasi oo noqoneysa dhiirri gelinta waxa dalka kasoo baxo, oo dunida la tixgeliyo inuu dal walba gaaro isku fillaansho.
So'aashu ayaa ah, kuwa dhibaatada ka woda dalka ma garandoonaan , inay tani dalka iyo dadkaba inay dani u tahay, mana dhicidoontaa in dowladda federaalka ay hirgeliso go'aankani qiimaha weyn dalka oogu fadhiyo??