Maalmahaan dambe waxaa si weyn loo hadal haya gudaha iyo dibeddaba wada hadallo lagu wado inay dhex maraan dawladda fkmg iyo mucaaradka hubeysan oo ka soo horjeeda dawladda, gaar ahaan mucaaradka isku uruursaday magaalo madaxda Eritreya ee Casmara, Waxaana la shaaciyey in kooxda ka socota Casmara oo ku dhawaaqay inay dawladda la gelayaan wada hadallo inay hoggaaminayaan Sheekh Shariif Axmed iyo Shariif Xasan Aadan. Waxaa kale oo la sheegaya in labadaan shaqsi oo mucaaradka hoggaaminaya inay dabacsanaan ka mujiyeen in wadahadallada dawladda lala gelayo inan lagu xirin wax sharuud ah.
Haddaba waxay u muuqata in natiijo wax ku ool ah aysan ka soo bixi doonin shirka la sheegayo in lagu ballansanyahay in lagu qabto Jibuuti bartamaha bisha soo socota ee Maajo oo ay ku wada hadlayaan dawladda fkmg iyo mucaaradka hubeysan, waxaana jira dhawr sababood oo sidaas ka marag-kacaya oo muujinaya in shirkaan Jibuuti in an laga sugikarin go'aamo wax ka tara dejinta xaaladaha adag oo dalka ka jira,
in arrinta ay sidaas tahayna waxaa laga fahmaya:
1-Kooxda ku shirsan Casmara in kasto ay yihiin labo qaybood oo kala ah a) xubnahii barlamaanka laga cayriyey oo ay la socdaan siyaasiin kale b) kuwi ka tirsana hoggaanka maxkamadahi magaalada Xamar laga saaray, haddana dhab ahaanti kooxdaan waxaa hoggaaminaya hal shaqsi kaasoo ah Xasan Daahir Aweys kuwa kale oo madaxtinimo lagu shegayo waa magac u yaal (mise madax u yaal) waa ninkaan ina Daahir Aweys kan hoggaaminaya dagaallada dhibaatooyinka badan ka geysanaya dalka, marka ninkaan aya ah madaxa mucaaradka hubeysan oo dawladda ka soo horjeeda, sidaas daraadeeda dagaallada ma joogsanayaan haddii Xasan Daahir uusan soo saarin go'aan dagaal joojin ah, sida la ogyahayna Xasan Daahir ma soo xaadirayo shirka Jibuuti lagu qabanayo.
2-Kooxda mucaaradka oo Casmara martida ku ah ma taagerikaraan go'aamo nabadeed oo ka soo baxa wadahadallada ku dhex maraya dawladda iyo mucaaradka shirka la hadal hayo oo lagu qabanayo Jibuuti, maxaa yeelay dawladda Eritreya dan uma aha inay Soomaalida heshiiso oo dalkeeda nabad ka dhalato, Eritreya waxay rabta in Soomaaliya colaadda iyo dagaallada aysan ka joogsanin si ciidamada Etyobiya aysan uga bixin gudaha Soomaaliya. Sidaas daraadeeda madaxweyne Afawarki marna ma u oggolaanayo kooxda uu ku hayo Casmara inay taageeraan mise soo saaraan go'aamo liddi ku ah danaha Eritreya.
3-Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdul-Laahi Yusuf Axmed wuxuu dhawaan ka sheegay shir jaraa'id asigoo jooga dalka Mareykanka in jagooyinka madaxweynaha, ra'iisalwasaaraha iyo tan guddoomiyaha barlamaanka ayasn ku jirin arrimaha looga hadlayo shirka dibuheshisiinta oo lagu qabanayo dalka Jibuuti. Haddaba, caddeyntaan Cabdul-Laahi Yusuf waxay meesha ka saareysa sabab u hoggaamiyaha mucaaradka hubeysan Xasan Daahir iyo beeshiisaba ay u taageeraan shirka la doonayo in lagu qabto Jibuuti maxaa yeelay Cabdi-Qaasim Salaad iyo Xasan Daahir oo ah labo shaqsi oo isku duuban waxay doonayaan oo ay u xaqal-taagayaan inuu midkooda helo jagada madaxweyne-nimada, mise tan ra'iisalwasaraha, taasna mise damacaan madaxda beesha Cayr sida an arkayno waxaa rabuud saaray madaxweyne Cabdul-laahi Yusuf Axmed.
4-Arrinta awood qaybsiga oo la filayo in shirka Jibuuti looga wada xajoodo waa arrin an caga badnayn oo ay adagtahay in la meel mariyo, maxaa yeelay awood qaybsiga horey ayey u soo dhamaatay, madaama dhamaan beelaha Soomaaliya ay isugu tageen dalka Kenya ayna ku soo heshiiyeen dhismo dawladeed oo ku saleysan awood qaybsi laysku soo af gartay, awood aybsigaas waxaa ugu muhimsana xubnaha beelaha uga qayb galayey barlamaanka. Kaddibna beel walba waa la siiyey qaybta ka soo gaartay wax qaybsigaas waana kaas habka u ku dhisanyahay balamaanka haddeer jira.
Marka hadda haddi mucaaradka ku dalbadaan shirka Jibuuti in xubnaha barlamaanka wax laga siiyo, arrintaas ma ahan mid u taal dawladda ha yeeshee waa arrin beeleed, beel walba ayada ayey ku xirantahay in shaqsi barlamaanka ugu jira ay ka saareyso barlamanka ayna ku soo beddelaneyso shaqsi kale, dhinaca kale suuragal ma noqonayso in shaqsiyaadka mucaaradka oo haddeer an barlamaanka ku jirin xataa kuwi
horey looga cayriyey in barlamaanka lagu soo daro, ayadoo aysan jirin xubno barlamaanka laga saarayo oo booska u baneynayo, haddii kala waxaa la jibinaya:
a) inta ku qoran dastuurka oo lagu qeexay laguna xaddiday tirada xubnaha oo u barlamaanka ka koobanyahay, maxaa yeelay haddii mucaaradka xubno loogu daro barlamaanka, waxaa badanayso tirada xubnaha barlamaanka oo dastuurka lagu soo xaddiday.
b) waxa la jebinaya isu dheelitirka awood qaybsiga beelaha oo lagu soo heshiiyey shirarki dibuheshiinta oo lagu soo qabtay dalka Kenya maxaa yeelay haddii qaar ka mid ah mucaaradka lagu soo daro barlamaanka waxa dhacayso in beelaha ay ka mid yiihin mucaaradkaas ay ku yeelanayaan balamaanka xubno ka badan kuwa beelaha kale oo la doonaayey inay sinnaadaan.