Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

17/04/2008     SOMALIA IYO CAALAMKA

Codsi gargaar degdeg ah, oo ay codsadeen odeydhaqameedka magaalada jamaame

Xariir ay la soo sameeyeen shabakada jammaame , odey dhaqameedka magaalada jamaame ayaa waxay codsi gaar ah u soo jeediyeen Soomaalida , gaar ahaan reer jamaame ee debedda joogo, inay lasoo gaaraan gargaar degdeg ah.

Taasi oo ku saabsan laba arrimood oo soo food saarey reer jamaame iyo tuulooyinka ku hareereysan, oo ay ku soo socoto dhibaato xoog leh, oo ay ayada oo laga baqaayo inuu webiga Jubba uu soo buux dhaafo, maalmaha soo socdo.

Taasi oo ay ka dhalan karto dhibaato xoogt leh, oo ay ayada oo uu goonidoono beeraha, taasi oo noqoneyso inay abaaro daba dheeraato inay deegaanka ku dhaco, haddii aan biyaasi lagu sameynin biyo xir.

Gaar ahaan meelaha uu webiga kasoo fataho, taasi oo ay ka mid tahay farta bodboodey oo haddii ay soo fatahdo , dhibaatadadeeda ay gaari doonto, beeraha jambarow,ilaa iyo naftaaquur, salaaxa geel dile, beeraha naftaaquur iyo deema ilaa iyo shabeelley, halkaasi oo ah meelaha ay deegaanka ay fasallo ooga soo go'aan.

Odeydaa ayaa waxaa kale ay sheegteen , inay magaalada u dhiseen dugsi "school", hase yeeshee uusan laheen deer lagu soo wareejiyo, si carruurta loogu ilaaliyo, taasi oo aad muhim oogu ah, ardeyda iyo wax barashadooda iyo habeentooda.

Gargaarka ay odeydaa weydiisanayaan ayaa ah mid dhaqaale ahaan aan sidaa u buurneyn hase yeeshee shaqo la'aanta ka jirto iyo degdegga loogu baahanyahay ayaa keentey inay weydiistaan wax tarka walaalahooda debedda joogo.

Isla markaana waxaay ku tilmaameen inay tahay gargaarkaasi mid uu ilaahay kaga abaal marinaayo kuwii geysta, waxayna ku dareen rajada ay ka leeyihiin walaalahooda, oo ay markaana si gaar ah ay u weydiisanayaan in wax barashada iyo ka badbaadinta daadadka inay tahay wax uu ilaahay ku abaal marindoono.

Odeydaani ayaa waxaa lagala soo xariirikaraa webka intii dooneyso inay wax sadaqo inay baxsadaan, shabakada ayaana la xariirindoonto intii dooneyso inay sadaqo inay baxsadaan, iyo dadka ay ku hagaajindoonaan oo ah odeyda beesha .

Waxaana loo ballan qaadayaa in xariir ay lasoo sameyn doonaan intii gargaar gaarsiiya odeydaasi, iyo weliba ayna ogeysiindoonaan, waxii lagu qabto, haddii ay doonayaanna wax bixiyayaasha in lacagtooda waxii ay doonayaan loogu bixiyo, sidii ay u woda ogaadaan waxa ay baxsadeen in lagu bixiyey heerkii ay doonayaan.

Waxaad qoraalkiinna ku soo aadin kartaan e-mailka webka, shaqaalaha shabakada ayaana idin soo gudbindoonta telka aad kala xariiri kartaan odeydhaqameedka xariirka lasoo sameeyey shabakada.

jammaame@gmail.com

gasba278@gmail.com

Xafiiska shabakada jammaame

Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005