Dhibaatada ka taagan gobolka shabeellada hoose ayaa noqotey mid gaadhey xad aan loo dul qaadan karin, taasi oo ay ku hayaan , kuwa marna aan sharci iyo diin iyo Alla ka cabsi aan aqoonin.
Dhibaatootinka ayaa ahaa kuwa soo kordhaayey maalinba maalinta kja dambeeyso, kuwaasi oo ah kuwa taabanaaya beelaha dega una dhashey gobolka shabeellada hoose oo idil, iinkastoo ay jiraan qaar u dahshey beelahaasi oo ah kuwa usha u sido tuugada iyo daalimiinta gobolka xoogga ku haaysto.
Dhibaatada gobolka ayaa ku billaabatey , markeedii hore, Inay Soomaalidu ay walaalo yihiin, in dadka ay Muslin woda yihiin, inay dadka dhalasho woda wadaagaan, inuu dalka ka woda dhaxeeyo, sa darteed jidad badan ayay gobolka ku qabsadeen, oo ay jid walbo usoo mareen, si ay ku hantin lahaayeen, hase yeeshee maanta arrintu waxay gaadhey baroortu " WANKA KA WEYN".
Dhibaatada waxay ku soo koobatey, in gobolka dadkiisa la barakiciyo, marna aan loo aabayeelin saqiir iyo kabiir, waxay gaartey inaan la tixgelin culumo iyo caamo, waxay gaartey inaan la dhowrin odey waayeel ah, iyo wiil yer oo carruur ah, waxay gaartey in dhibaatada lala beegsado shaneemooyinka iyo meelaha ay carruurta ku kulmaan.
Dhibaatda ay ku ahyaan beelaha kasoo hayaamey gobollada dhexe ee dalka waxay noqdeen far faraha ka dheeraatey, taasi oo ay horseed u yihiin, siyaasiyiintooda iyo aqoonyahannadooda, indheer garadkooda, kuwaasi oo noqdey kuwa beelahaasi ku daneysto, oo u kala saarey loo shaqeeye iyo lagu shaqeyste, kuwaasi oo u kala saarey la dilo iyo loo dhinte.
Waxaan si toos ah oogu sheegayaa inta ku abtirsata beelaha Hawiye, guud ahaan, iyo kuwa habargidir gaar ahaan, inay dib u fariistaan, oo ay fekeraan, waayo , waxaan jeclahay inay ila eegaan aragtideyda gaaban, oo aan oogu daneynaayo waa haddii ay yihiin kuwa dantooda ka fekeraayo.
dhallinyerada ku idlaadey dagaalalda waa kuwa lagu shaqeysto, waa kuwa noloshooda aan dhaafsaneyn, waxaad tihiin reerka, halka kuwa hoggaanka haaya ay carruurtooda debedaha ay ku noolyihiin, ayna waxbarasho ku haystaan, halka kuwa kanna laga dhigey xaabadii debka lagu shidaayey.
Waxaa laga soo kaxeeyey gobolkoodii , lana keeney caasimadda, ka dibna laga barakiciyey, maalin walbana la leeyahay qaxootiga raashin iyo biyo iyo daawo lasoo gaara, meesha hoggaankana ay ku noolyihiin guryo iyo hodheello raaxca badan halkaasi oo ay ku cunaan macuunadii ay usoo qaadaan, kana dhistaan guryo iyo baarar ay ku raaxeystaan, meesha ay kuwaaninan ay ku noolyihiin buushash iyo dufullo hoostii.
saa darteed waxaan u sheegayaa kuwa lagu shaqeysto ee la leeyahay waa beelaha Hawiye, ha ogaadaan , kuwa debka dalka ka wodo oo aan dooneynin in dowlad iyo nidaam laga dhaliyo waa kuwa isku sheega inay yihiin hogganka beelahaa, hase yeeshee , waxaa hubaal ah, beelaha Hawiye inaysan haaysan nolol u dhiganta, tan uu aadanka ku noolyahay, waayo waxaa u diiddan kuwa isku sheegaayo hoggaankooda, oo mar walbo ku hidaaqaaya beelaha hawiye ayaa dhibaateysan, kuna wax qaadanaaya, meesha ay cmankooda iyo calooshooda ay ku dhisayaan, dadka beelahaa u dhasheyna ay carruurtooda nolol u haysan.
Waxaan kula talinayaa, beel Weynta Hawiye, intay goori goortahay, runta u sheega kuwa magaciinna marba hodheel ku jiifto, qoriga iyo rasaastana idin dhiibo, marba magac idin bixiyo, taasi haddii aadan diidin oo aadan Soomaalida dhan ka raacin, waxaa idin dambeendoono, in qaarkiin la yiraahdo maalin magacaa waa jiri jirey.
Waxaan ogahay in taladeydaani aysan jecleysaneynin qaar badan oo maskaxda laga dhaqey mar hore, iyo kuwa danaha ku haaysta dhibaatada beelaha Hawiye, hase yeeshee , waxaa la yiraahdaa, " NIN KUU DIGEY KUMA DILIN",hadalina waxuu ku dhan yahay, haddii aadan is daba qaban , waaltinimo iyo magacyo badan oo la idinku habaabiyo, waxuu idin gaarsiinayaa, inaadan jiraan.
Hadali haan ma buuxsho, hawlina waa gelin dambe, shallaayse waa dambeeyaa, dhibaatada gobolka shabeellada hoosena ma noqondoono mid maanta ku eg, ee waa mid billow jooga, yayse u darantahay hadday abaaritimaado, ma nin deggan mise nin reer guuraa ah!! wiil iyo gabar ninkii dhooranaayow, talo maanta ayay ku joogtaa!!
Waayeelow war kugu filan..!!!