Xaaladda dalka Soomaaliya oo la jahwareersan arrimaha nabad gelyada , isla markaana ku hawlan sidii loo dhisi lahaa nidaam ku saleysan wax woda qabsi iyo nidaam iyo kala dambeen ayaa, waxaad arkeysaa ayada oo shirar badan oo kala duwan inay ka dhacaan meelo fara badan oo kala duwan.
Ayada oo dhaqdhaqaaqyada ka soo horjeedo dowladda federaalka ay meelo badan ka woda dhibaatooyin kala duwan ayaa, oogu dambeentii waxay wararku ku soo baxayaan marba in la sheego dilala kala duwan iyo meelo ay dowladda ka qabsadeen.
Arintaasi ayaa u muuqato inaysan xubnaha sharci dejinta dalka aysan dheg u dhigin dhibaatooyinkaa ka taagan gobolladaqaar, ayaga oo isku deyaaya inay sharciyo u dejiyaan dhibaatooyinkaani faraha lagaga gubtey, isla markaana aysan joojin hawlaha dib u habeenta sharciyada dalka guud ahaan.
Xildhibaannada kasoo jeedo gobollada Shabeellada Hoose, Bay , Bakool, Gedo, Juubada dhexe, iyo Jubbada hoose, ayaa shir gaar ah ku yeeshey aqalka uu deggan yahay guddoommiyaha Barlamaanka , mudane Aadan Madoobe, halkaasi oo ay kaga doodeen sidii horey loogu wodi lahaa hawlaha mideenta 6daa gobol.
Waxaa la woda ogyahay in lagu tala galey in gobollada koonfureed la doonaayo in loo dhiso dowlad goboleed oo ka kooban 6daa gobol, hase yeeshee doodda ayaa waxay ku saleysan tahay sidii loogu dhisi lahaa maamullo u gaar ah gobol kasta marka hore, ka dibna loo mideen lahaa , taasi oo lagu saleynaayo cadaalad . gaar ahaan dhismaha maamullada goboleedyada halkaa laga doonaayo.
Ayada oo la ogyahay in gobolladaa qaar aysan ka dhismin tan iyo intii ay soo jirtey dowladda federaalka, taasi oo ilaa iyo hadda lagu dhaliilo dowladda federaalka, iyo maamullada qaar oo ay fara gelin ku yeesheen xubno ka tirsan dowladda federaalka.
shirkaasi ayaa ku dhamaadey si af garasho wanaagsan, hase yeeshee dib ayaa leysku soo noqondoonaa sidaan warka ku helley, dhanka kale , waxaa la filayaa in siyaasiyiin iyo indheer garad iyo aqoonyahannada kasoo jeedo gobolladaasi ayaa la filayaa si dhaqsi ah inay u woda kulmaan, si arrintaasi go'aanno leysla meel dhigi lahaa, siiba kuwooda ku sugan baydhoba.
Waxaa la filayaa in go'aannada kasoo baxa inay noqoto mid lagu dhiso dowlad goboleed oo ka kooban 6daa gobol ee aan kor lusso xusney, hase yeeshee waxaa la woda ogyahay inay gobolladaa qaarkooda ay awood u yeelan waayeen inay dhistaan maamullo dhexdooda, meesha ay gobollada kale qaar ay kaga amar taagleeyaan beelo aan gobolladaasi u dhalan.
Waxaase is weydiin ah, haddii ay go'aan ku gaaraan xildhibaannada ksoo jeedo gobolladaasi iyo aqoonyahannada kasoo jeedo gobolladaasi, ma dhici kartaa inay gobollada ay beela aan u dhalanniin ay gacanta ku hayaan , inay xoog ooga saaraan, mise arrinta waxay u dhamaandoontaa, in la sharciyeeyo joogitaankooda iyo ka qeyb geliddooda maamullada sida ay u dagaallamayaan maantaba?
Waxaa la ogyahaya in gobollada qaari ay gacanta ku hayaan maantaba gobollo aysan u dhalan, ayna ku amar taagleeyaan, siiba marka aan ka soo qaadno , kuwa ku bahoobey walaalo Galgaduud, ma dhicidoontaa inay garwaaqsadaan inaysan gobolladaan ay gacanta ku hayaan aysan laheen, mise waa riyo aan xisaabta lagu darsan?
So'aallada kor ku xusan ayaa ah kuwa ay dad badan oo aan la sheekeysanney isku soo qaadeen , hase yeeshee jawaabta waxay u taallaa xildhibaannada iyo aqoonyahannada shirarka galey ee doonaayo inay maamullo xalaal ah ka dhisaan gobollada koonfureed.