Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

15/04/2008     SOMALIA IYO CAALAMKA

MADAXDA IYO SIYAASIINTA BEESHA FIDNAWADA CAYR WAXAY WADAAN DHALAN ROGGA GOBOLKA SHABEELLA HOOSE

Sida horey loo shaaciyey xaaladaha dagaaleed oo waayahaan dambe ka jiray gobolka Banaadir waxay sababeen barakac xoog leh oo qowsas badan ay kaga qaxeen magaalada Xamar, ha yeeshee mar dambe aya la ogaaday in sida ay u qorsheesnayeen dagaallada laga kiciyey magaalo madaxda Xamar in sidaas oo kale qaxa Xamar looga baxay u ahaa mid horey loo soo qorsheeyey.

Maleeshooyinka isku sheegayo al-Shabaab oo ka amar qaata madaxda beesha fidnawada "Cayr" oo sida la ogyahay ah kuwa hoggaaminaya dagaallada looga soo horjeedo dawladda oo ka socda gobolka Banaadir iyo gobollo kale, sida la xasuusanyahay bilowgi dagaallada waxay duullaan ka soo qaadeen oo xabbado ka soo rideen xaafadaha la degganyahay, kaddibna madaxda beesha fidnawada markii loo jawaabay oo xaafadahoodi rasaas lagu riday, waxay bilaaween qayla dhaan bunbuunis u badan oo ay ku sheegayeen in dadka la barakicinayo. Haddaba taas waxay ahayd arrin sidaas loo soo qorsheeyey oo looga dan laha in dadweynaha lagu laabkiciyo, waxaa haddeer la ogaaday inay jireen dhalinyaro hubeysan oo si gaar ah ugu xilsaarna inay cabsi iyo qalqal ka dhex abuuraan dadweynaha xaafadaha si ay ugu qasbaan inay guryahooda ka cararaan.

Waxaa la ogaaday in badi ahaan qowsaska beelaha qaxay inay si kala firdhoon ah oo ismoog ah ay uga baxeen magaalada Xamar, marka laga reebo qowsaska beesha Cayr oo si wada jir ah oo habeysan loogu wada daad gureeyey basas lagu geeyey gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana si nadaamsan loo kala dejiyey magaalooyinka Shalambood, Buulo, Barawe, iyo tuulooyin kale oo ka mid ah degaanka Shabeellaha Hoose halkaas oo qowsaska ka baxay Xamar ay ka heleen degaan horey loogu tala galay sida guryo buushash ah oo musqulahooda leh.

Gaar ahaan agagaarka magaalada Barawe waxaa ka soo baxday xaafad cusub oo buushbuush ah oo ka baaxad weyn magaalada Barawe.

Xaafadaan cusub ee ballaaran oo buushbuushka ah waxa waqti yar looga dhisay galbeedka magaalada Barawe waxaana la dejiyey boqolaal ka mid ah qowsaskii beesha fidnawada ee Cayr oo laga soo raray magaalada Xamar oo loo ekeysiiyay inay yihiin dadweyne soo qaxay.

Waxaa la ogaaday in sidi caadada u ahayd madaxda iyo siyaasiinta beesha fidnawada ee Cayr oo mar walba ka fa'iideysta dhibaato kasta oo ayaga ay kiciyaan mise sababaan, inay ayaga qorsheyeen dagaalladaan ka socda gobolka Banaadir, sidaas oo kale waxay qorsheyeen walaaca iyo barakaca ka dhashay magaaladaas oo u dadwynaha badan kaga baxay magaalada Xamar, waxayna uga dan-lahayeen qorshahaas madaxda reer Cayr inay helaan fursad ay hal mar ugu wada raraan qowsaskooda una wada geyaan gobolka Shabeellaha Hoose ayagoo ka mid dhigaya qowsaskoodaas dadweyne ka baxsanaya dagaallada ka socday magaalada Xamar.

Marka maxay tahay ujeeddada madaxda iyo siyaasiinta beesha fidnawada ee Cayr?

Waxay doonayaan in boqolaalka qowsaska beeshooda oo ay Xamar ka bixiyeen ayna kala dejiyeen meelaha ka mid ah degmooyinka gobolka Shabeellaha Hoose oo an kor ku soo xusnay inay halkaas uga dhigaan degaan abid (joogto) ah, si mustaqbalka beesha Cayr uga mid noqoto beelaha dega miisaankana ku leh gobolka Shabeellaha Hoose, sidaasna lagu fuliyo mid ka mid ah qorshaha oo ay weligood ku socdeen madaxda iyo siyaasiinta beesha fidnawada oo kuwa ugu caansan ay ka mid yihiin Cabdi-Qaasim Salaad iyo raggiisa, qorshahaas oo aha deegaan ballaarsi, waxaana hubaal ah in qorshaha degaan ballarsiga iyo dhalan rogga ee beesha Cayr inuusan ahayn mid ku koobaan gobolka Shabeellaha Hoose.

Haddaba dhamaan beelaha asal ahaan dega gobolka Shabeellaha Hoose waxaa la gudboon inay indhaha ku hayaan ficillada gurracan oo ay wadaan kuwa hoggaaminaya beesha Cayr oo la donayo in laga dhigo beelaha gobolka midda leh mudnaanta koowaad, dhamaan beelaha gobolka Shabeellaha Hoose, waxaa ku waajib ah inay ka hortagaan qorshaha dhalan rogga oo lagu soo wado gobolkooda.

Cali Cumar:
sablaale1@hotmail.com

Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005