Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

14/04/2008     SOMALIA IYO CAALAMKA

Bam geystey dhimasho iyo dhaawac Magaalda Marka

Xaley fiidkii ayaa waxaa weerar bam gacmeyd lagu tuurey sida ay wararka sheegayaan shaleemo ku taal magaalada marka oo ah magaala madaxda gobolka shabeellada hoose.

Sida ay wararka qaar sheegayaan, inay bamkaasi ku dhinteen dad fara badan inkastoo il cawo ay ahayd ,wararka kasoo baxaaya ay dadka is la dhexmarayaan ayaa dhimashada ku tilmaamaaya in ka badan labaatameeyo, meesha ay qaar kale leeyihiin tirade waa 28 , meesha ay qaar kalena aleeyihiin waa 27 ruux , dhaawacana ma yera.

Falkaani ayaa ka dhacey goob ay dadka si weyn ay oogu soo aruuraan oo laga fiirsado video, loona yaqaan alaalax kuna , goobtaasi oo ku taal magaalada bartankeeda xaafadda loo yaqaan Ruusia.

Dhibaatadaani ayaa loo badiyaa inay ka dambeysey dilal ka jirey gobolka maalmahaan, siiba ayada oo wiil dhallinyero ah , todobaadkii hore si fool xun loo diley, weliba si ka baxsan aadannimo llola dhaqmey dilkiisa, taasi oo la filaayo inay kiciso xiisado colaadeed.

Yada oo aysan beesha dilka geysatey odeydeeda aysan arrintaasi ka hadlin, taasi oo ay rag qaarkii u arkeen inay tahay yasid , layasaayo dadka uu ka dhashey beesha wiilkaasi laga diley, iyo ayada oo kuwa wax diley ay ka tirsan yihiin maleeshooyinkii gobolka ku amar taagleenaayey sanooyinkii lasoo dhaafey.

Si kastaba ha ahaatee, waxay wararka qaar leeyihiin, arrintaani waxaa farta lagu fiiqayaa inay ku dhaqaaqeen qaar ka tirsan kuwii dhibaatada geystey ayada oo ay arrintaasi kula danleeyihiin kaakcin dhibaato aloosid ay la doonayaan inuu ka xoogaabo gobolka.

Ayada oo maalmahaan dambe ay ciidamada dowladda oo ay taageerayaan ku Etoobiyaanka ay gobolka dhax marmarayaan , dhibaatadaani oo lala dan leeyahay in lagu raad tiro dhibaatadii dhacdey todobaadkii hore, si ay dowladda marba tii oogu dambeysey keli u daba istaagto iyo in ay billaabaan baaritaan hub si loo hor istaago kuwa la filaayo inay ka kacaan dhibaatadii dhacdey.

Si kastaba ha ahaatee, gobolka shabeellada hoose ayay dhibaatadiisa soo kordeysaa maalmahaan dambe, waxaana la filayaa inay isku dhac ka yimaado beelaha deggan qaar keli iyo kuwa ku amar taagleeya, ee kasoo bara kacey dagaalladii xamar iyo gobollada dhexe.

Jamaal Maxamed Mursal
jmm278@hotmail.com

Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005