Sida caadada u ahayd maleeshooyinka burcadda ah oo ku ammar-taagleya gobolka Shabeellaha Hoose waxay baabuur kala dageen kaddibna ay si xun u dileen wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaawo Cabdi-Raxiim Sheekh Axmed Kulaale "Burci" oo u dhashay beesha Biimaal, maleeshooyinka burcadda wiilka ay baabuurka kala degeen marka hore waxay ku dileen ceejin kaddibna meydkiisa ayey xabbado badan ku dhufteen.
Maleeshooyinka burcadda ah oo wiilka sida xun u dilay waxay ka soo wada jeedaan beesha ku sifowday "fidnawada" mise Cayr oo sida la ogyahay ah tan hoggaanka u haysa dhamaan dhibaatooyinka adag ka socda badi ahaan gobollada dalka.
Sidaas oo kale maleeshooyinka burcadda ah ee beesha fidnawada Cayr waxay hore si aad u foolxun oo bani'aadanimada ka baxsan ugu dileen magaalada Marka nin kale oo lagu naaneesijiray Geesdiir oo asigana ka dhashay isla beesha Biimaal.
Marxuumiinta Burci iyo Geesdiir waa labo shahiid ILAAHAY ha u naxariisto, Jannadiisa Fardowsana ha ka waraabiyo, labadaas marxuum waxaa dilay gacmo ka gardaran, waxaana lagu dilay deegaankooda hooyo.
Waxase loo sheegaya kuwa geystay dilalkaas foosha xun oo gar darrada ah oo ay ku dileen Burci iyo Geesdiir inay eedidoonaan kibirka jaahilnimada ku saleysan oo ay ku kaceen iyo dhibaatooyinka kale oo ay ka wadaan gobolka waxaana hubaal ah in la gaaridoono maalin si culus loola xisaabtimi-doono qowlaystada ku ammar taagleynaya gobolka Shabeellaha Hoose BI'IDMI-ILAAHI KARIIM.
Sida la ogyahay madaxda qowlaysatada ah ee beeshaan ku caanbaxday fidnawada ee Cayr waxay u soo tafaxeeteen inay beeshooda si xoog ah ku soo dejiyaan gobolka Shabeellaha Hoose, sidaas daraadeeda ujeeddoyinkooda ka dambeeya dilalka jahliga ah oo ay ka wadaan gobolka waa argaggixinta beelaha u dhashay gobolka si loogu qasbo inay ka barakacaan deegaankooda.
Dhamaan beelaha asal ahaan dega gobolka Shabeellaha Hoose waa inay fahmaan ujeeddooyinka gurracan oo ay wataan madaxda beesha fidnawada, madaxdaas oo ay ka mid yihiin Cabdi-Qaasim Salaad iyo ina Daahir Aweys waxay rabaan inay barakiciyaan dhamaan beelaha gobolka u dhashay waxay doonayaan inay beeshooda uga sameyaan deegaanbalaarsi gobolka Shabeellaha Hoose.
Haddaba, dhamaan beelaha asala ahaan ka soo jeeda gobolkaan Shabeellaha Hoose waxaa ku waajib ah inay u diyaargaroowaan ka hortagga ujeeddooyinkaas ku saleysan kibirka iyo damaca oo ay wadaan madaxda beesha hororka ah ee fidnawada.
oo doonaya inay sharafta ka qaadaan xoogna ku maquuniyaan dhamaan beelaha gobolka si ay gobolkaan u soo dejiyaan qoosaskooda laga soo hayaamiyey gobollada dhexe.
Reer Shabellaha Hoose waa inay fahmaan in madaxda beesha Cayr sida Cabdi-Qaasim Salaad iyo Xasan Daahir ay doonayaan inay beeshooda ka wada qabsato beelaha gobolka ilaha dhaqaale oo ay noloshooda ku tiirsantahay ilahaas oo ah beeraha degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka, waxay rabaan inay sidaas ku cunaqabateeyaan dhaqaale ahaan dadweynaha gobolka.
Intaas waxaa u dheer dilalka bani'aadanimada ka baxsan oo jaahilnimada ku saleysan oo maleeshoyinkooda burcadda ah ay ka wadaan gobolka si loo argaggixiyo dadweynaha deegaanka Shabeellaha Hoose.