Ka: Odey dhaqameed, Siyaasiyiin, culumaauddiin, indheergarad, dhallinyero beesha Biimaal .
Ku: Madaxweyne : Cabdullaahi Yuusuf Axmed rugtiisa
Ku: Ra'iisulwasaare: Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) rugtiisa
Ku : Xubnaha wasiirrada dowladda federaalka rugtooda
Ku: Ra'iisulbarlamaan: Sheeh Aadan Madoobe rugtiisa
Ku : Xubnaha xildhibaannada dowladda federaalka rugtooda
Ku : Salaadiinta , Isimada, milaaqyda, garaadyada
qabaa'ilka Soomaaliyeed rugtooda
Ku: Indheer garadka , culumada Soomaaliyeed rugtooda
WARAAQ FURAN
Ka dib markii ay soo noqnoqdeen dhibaatooyinka dilalka si gaar ah lala beegsaaayo dhallinyero beesha Biimaal u dhalatey, eek u sugan gobolka shabeelalda hoose gaar ahaan, iyo magaalada Xamar iyo meelo kale oo ka tirsan dalka Soomaaliya.
Ka dib markii ay soo koroddhey ku tagri falidda danaha beesha Biimaal , gaar ahaan gobolka shabeelalda hoose, dhac iyo dil iyo kufsi.
Ka dib markii beero iyo xoolo, laga xaalufiyey beesha deegaanadeeda oo idil, dhirtii iyo xoolo duureedkiina aysan baxsan.
Ka tixgelin badan oo lagu doonaayo walaaltinimo iyo Soomaalinimo, ay jawaabtu noqotey , in beesha xuquuqdii aadannimada aga saaro amase lagula dhaqmo si taasi ka baxsan islaannimo iyo soomaalinimo, iskaba daayee walaaltinimo.
Waxaan dowladda federaalka , inta kor ku xusan oo idil ogeysiineynaa:-
1-Beesha dhibaatada inagu hayso waa Ceyr oo la woda ogyahay , haddii ay jiraan dad ka fekeraayo walaaltinimadooda, waxaan ka sugeynaa si degdeg ah inay arrimaha ay nagu dhigeen xaal naga mariyaan.
2- haddii taasi la waayo , beerito yaan la idin ka helin dad u damqada, waayo maanta annaga haddii aan waayno wax inoo damqada, beerito qof aan ka yeeli karno ayaan jiraan doonin.
3-intii geysatey dilka waa in sii dhaqsi ah la inoogu keenaa, haddii la waayo , waxaa inoo bannaan inaan ku kacno waxii sharciga ka baxsan ee la inoogula dhaqmey, iyo in ka xunba inaan ku kacno.
4- gobolka shabeellada hoose marna uma oggolaaneyno inaan oogu dul qaadanno kuwa kasoo hayaamey gobollada dhaxe, sida galgaduud iyo mudug , taasi oo inoo banneyneyso inaan carruur iyo dumar iyo waayeel midna aan tixgelin siindoonin.
5-Horey ayaa loo yiri" Afeef dhiasgo hore ahaw, amase adkeysi dambe lahow".
Oogu dambeentii waxaan taagannahay xaqeennii aan u samreyney muddadii dheereed haddii aan ku waayney walaaltimnimo ,xooggeenna iyo nafteenna ayaan u hureynaa, wiil iyo gabar toona yaysan naga harin.
Biimaa ha dhamaado amase ha noolaato, wax u dhaxeeyo ayaa la inoo diidey, nafta ayaan dul dhegeynaa, talana adigaa ku nool ayadase kuguma noola, la arkidoonee ninkay geerida dhibeyso..