Dhibaatooyinka ka dhacaaya gobolka shabeellada hoose waxaa u sabab ah , dhiiq la'aanta beelaha deggan, haba oogu horreeyaan beelaha maanta lagu tirinaayo inay oogu ballaaranyihiin, hase yeeshee taasi waxay noqotey mid keenta inay doqontu ku manto.
Middida waxay ku tegtey beelaha Biimaal iyo Shan Gamaas, gaar ahaan, inkastoo guud ahaan ay gobolka woda saameysey , haddana beelahaasi waxaa lagu tala galey in laga dhameeyo dhallinyeradooda.
Taasi oo marar badan soo noqnoqtey, haddana ay dhacdo in laga dilo dhallinyero, in lacag loo adeegsado ay qaar ka tirsan dhuuni raac la siiyo inyer oo fara qabsi ah, ka dibna ay ayaga la xaajoodaan beesha Ceyr iyo waxii la hal maala.
Waxaase Biimaal si gaar ah loo saarey cadaadin, haddii uuusan tani ka kicin oo uusan boorka iska jafin, waxaa hubaal ah, in doqoni uusan ahayn rag aqoon, oo keli uu yaqaan qoriga caaraddiisa, geeriduna waa xaq nin walbo sugeyso, hase yeeshee ay sharafteeda tahay in lagu laayo jihad iyo janno raadinteeda.
Waxaa dhiig la'aan ah , hadduu san Biimaal aarsan waayo , oo uu ka dhiidhin waayo dhibaatada maalin walbo kusoo siyaaddo, isla markaana aysan runta isu sheegi waayaan, iskana qaban waayaan kuwa calooshood u shaqeystayaalka ah, ee ku dhex jira.
Goortii uu Biimaal ka diiri waayey, " Geesdiir" oo gurigiisa laga soo xirey, ka dibna laga soo saarey xabsigii uu ku jirey isla markaana ay rag Biimaal ah ay kula jireen, isla markaana ay qaar Biimaalka ka tirsan ay joogeen saldhigga booliska laga soo kaxeystey "Geesdiir", ka dibna lagu diley xarig, ka dibna lagu dhuftey dhowr xabbadood, ka dibna la woda gogooyey, laguna duugey xaabta Marka.
Ka dib markii ay taasi qabsatey, ayay ayagu gobgol fidiyeen, ayada oo aoonyahankooda, odey dhaqameedkooda, iyo suldaankooda iyo maalqabeennadooda , loogana baxey gogoshii, jawaabna looga dhigey in looga maqnaa hawl qaran, isla markaana dusha laga saarey inay celiyaan dhallinyeradooda.
Taasi waxaa kasoo muuqatey laba arrin midkooda oo ay ku sifoobeen:-
1- In ay woda baqayaan sida ay u woda dhanyihiin, oo aysan ahayn beel wax iska dhicin karta, ahna kuwa aan dhiig lahayn, aana u damqan waxa kastoo gaara..
2- Inay yihiin dad aan dhulkooda iyo dadkooda u damqan, lana leylin karo, oo haddii dusha laga fuulo aan damqaneynin, saa darteed dilkii hore, la arkaye bal aan si kale ha loo tijaabiyo, noqotey.
Haddase waxay noqotey in la dilo " Burci" oo uu dhaley Sheekh caam ah, oo diinta fidiya, weliba lama diline , gaari ayaa lagala degey, carrabka ayaa laga gooyey, indhaha ayaa laga soo saarey , xaniiyaha ayaa laga gooyey, ka dib ayaa xabadda lagu dhuftey.
Biimaalow ma intaasi ayaa lagu reebey dilkii " Burci" Maya , haragga(maqaarka " ayaa laga siibey, ka dibna meedkiisa ayaa dhulka lagu jiidey, ciilka Biimaal iyo culumadiisa loo qaba badanaa.!!!
Biimaalow ha kicin , ku quus qaata gowraca weesha, dibiyow qoorta soo dhigo, gowrac ayaa kuu dambeeyee, sheekadu ma gaartey " Naqtulu awlaaduhum wa Nastayii nisaa'ushum",taasi waa dadkii uu idin yiri Cabdiqaasim goortii uu yimid Marka walaala ayaad tihiin, oo yiri af-hayeenka beesha hawiye, odey Axmed Diiriye, walaala ayaad tihiin.
Biimaalow doqoni walaal ma noqdo, dhiiggaaga amase dhacso amase maalinba mid ha la daadiyo, gogoshana adinka dhiga oo caada qaatayaashiinna ha idin horseedaan.
Dhallanyerada Biimaalow, ragnimadiinna waxay ku jirtaa dhulkiinna oo aad dhacsataan, dhiig iyo naf aad u hurtaan, hadal waayeel waxuu ku soo koobtey hawsha ha la qabto, hadalkana ha inoo socdo.
Dhiig laawow dhaqaaq, doqon walaalnimo ma yaqaanne!!