Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

08/04/2008     SOMALIA IYO CAALAMKA

Fogeynta nabad raadinta Soomaaliya

Dhaqdhaqaaqa iska caabinta Biimaal

Dhibaatooyinka ka taagan gobolka shabeellada hoose oo sii kordheeysa, waxay horsed u tahay fogeynta nabadda la raadinaayo ,waayo maalmahaan waxaa soo badanya dhibaatooyinka dilalka iyo boobka, taasi oo ay horsed u yihiin, beelo aan gobolka u dhalan.

Dhibaatooyinkaa ayaa noqdey kuwa aan loo dul qaadan karin, ka dib markii ay gaadhey dilalka beelo gaar ah , lala tiigsanaayo, taasi oo raadka oogu dambeeyey lala beegsanaayo dhallinyerada beesha Biimaal qaar ahaan ee deggan gobolka.

Tani waxaa ka dhalan kara inaan marna aan la tixgelin heshiisyada iyo nabadda ay odey dhaqameedyada qaari ay had iyo jeer ay ku dhawaaqaan, ee ah inay Soomaalidu walalaalo ay woda yihiin,taasi oo ay beelaha ay kasoo jeedaan aysan marna tixgelin sameynin , ayaga oo joogo gobolka shabeellada hoose.

Taasi waxaan ola jeedaa, hadallada kasoo yeero had iyo jeer C/qaasim Salaad madaxweynihii Dowladda carte oo asaga horsed u yahay beeshiisa , ayna dhibaato xoggan ku hayaan gobolka shabeelalda hoose.

Waxaa kale oo dhowr jeer kasoo yeedhey af-hayeenka odey dhaqameedka beeloaha hawiye Axmed Diiriye, inay dadku walaalo yihiin, hase yeeshee , beesha ay odeydaasi kasoo jeedaan ayaan marna tixgelin, heshiisyada ay beelaha kale la galaan, saa darteed waxaan halkaani ka caddeynayaa, dhibaatadan waxay gaartey heer aan marna loo dhul qaadan karin. Waxaa beelaha dega gobolka shabeelalda hoose u bannaan , ka dib markii ay tixgelin waayeen joogitaanka deegaan aysan leheen, iyo ku amar taagleentiisa, ayna ku darsadeen dhac , boob, iyo dil ku saleysan raad goyn beelo gaar ah, waxaa haddaba u bannaan beelaha dega gobolka shabeellada hoose inay kula dhaqmaan, habka ay doonayaan.

Taasi oo ah in carruurta iyo dumarka laga woda laayo sida ay ayagaba dadka kula dhaqmaan, taasi oo ah arrin diinta iyo haddaha Soomaaliyeed ka baxsan , oo ay kula kacaan deegaanka.

Waxaa dadka deegaanka u bannaan inay sida ay ku dhaqmaan loola dhaqmo kuwa dhibaatada ka woda gobolka ee ah in bir ma taabtaankooda , la tuso sida ay birtu u qwaban karto, taasina waa jid ay dadka deegaanka u banneeyeen.

Waxaa marar badan aannu ka digney dhibaatooyinka gobolka ka taagan inay faraha ka baxayaan, hase yeeshee aan marna tillaabo laga qaadin, ilaa ay arrintu ka gaadgey, in macuunooyinka laga soo dejiyo dikadda Marka lagu masruufo kuwa dhibaatada umadda ku haayo.

Dhibaatada gobolka waxay gaadhey in macuunadaha debedda laga keeno inay ka iibsadaan , hey'adaha ka soo raro dekedda, kuwaasi oo marka ay magaalada kala soo baxaan la sameeya xariir, si ay oogu sugaan meelo ay ku heshiiyeen, ka dibna ay halkaasi kala wareegaan.

Ha'adahaasi oo laba jeer lacag ku qaato, mar ay hay'addii keentey ay lacagta raritaanka ka qaataan, iyo ayaga oo qeyb ka hela mooryaanta ay u geeyeen, isla markaana sheegta in laga xoogey.

Taasi waxaa ku leug leh maamulka gobolka oo la shaqeeya mooryaanta isla markaana ka lacageystey boobka ay ku hayaan dadweynaha gobolka, arrintaani waxaa hormuud u ah, kuwa calooshood u shaqeystayaal ah , oo ay woda leeyihiin xariir xooggan maamulladii hore ee gobolka gacanta ku haayey intii dowlad la'aanya jirtey.

Hay'adaha lagu sheego inay yihiin wadani ee gobolka shabeellada hoose ka jira ayaa ah, kuwa lasoo asaasey intii ay burburtey dowladdii dhaxe, saa darteed waxay ka tirsanyihiin kuwa rumeysan , haddii uu nidaam iyo kala dambeyn yimaado, inay meesha ka baxayaan, amase aysan heli doonin waxa ay helaan.

Waxaa dadka gobolka u bannaan inay la xisaabtamaan hay'adaha ka jira gobolka, taasi oo ah inay dadka gobolka u shaqeeyaan iyo inay ka shaqeeyaan danhooda gaarka ah, iyo sidii ay u hakin lahaayeen nidaamka lala doonaayo inuu gobolka ku dhaqmo.

Waxaan oogu dambeentii u caddeynayaa dadka gobolka ku nool, in la gaarey waqtigii look ala bixi lahaa bur iyo biyo, waxii hadda ka dambeeyana aan marna loo dul qaadan doonin kuwa calooshood u shaqeystayaalka ah, isla markaana lala dhaqmidoono beelaha doonaayo inay gobolka xalaaleystaan, in bir ma daartaan aysan jirin, lagana billaabidoono , caruur iyo cirroolana aysan xurmada gobolka ku leheen, sida aad doontaanna la idinla dhaqmid doono.

Waxaan dugniin cad u jeedinayaa kuwa u dhashey gobolka, col iyo abaari ceyb ayay dhaafaan, waxaa inoo bannaan kuwa dadkooda iyo deegaankooda kuwa ka doortey lacag iyo maal , dilkooda inuu noqondoono xaq mashruuc ah sida sharci kasta uu qabo , is daaficiddana ay tahay mid diin walbo ay banneyneyso.

Dib u heshiisiinta Soomaaliya waxay dhimantahay in beelaha gobollo aan gobolladooda ahayn ku mitidaayo , inat ay jiraan, cirib, wax heshiis ah , ma socon karo, waxaa keli lagu walaaloobikaraa, ayada oo ruux walbo deegaankiisa looga dambeeyo, haddii aysan taasi dhicin waxaa hubaal ah nabadda maanta la gaaro inaysan toban jirsandoonin, oo dagaalladaani ay dib usoo cusboonaandoono, inta aan taasio rumeysneyn ha dhaliyaan dib u heshiisiin maanta toban sannadood ka dibna ha sugaan barakac cusub, kani ka sii xun.

Af-hayeenka BIREM U.K.
Maxamed Cismaan Yaraas.

Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005