Magaalada Jenefa, dalka Swiss/ka 15 Nofembar 1920 waxaa si diiraan loogu soo dhaweeyey ergo ka qeeyb gashey shir-weeynihii ugu horreeyey ee Ururkii Dalalka Adduunka. Go’aannada shirkaas waxaa ka mid ahaa in magaalada Jenefa loo aqoonsado saldhigga Ururka Siyasadeed Caalamiga ee ugu horreyey taariikhda adduunka.
Xog-hayayaashii Ururkii Dalalka Caalamka waxeey saldhig ka dhigteen daarta Jenefa ku taal oo loo yaqaan Daarta Wilson. Sannadkii 1936 waxaa xariga laga jarey Daarta weeyn lagu magacaabo Daarta Dalalka, taasoo Ururku degey. Nasiib darro Ururkii Dalalka wuxuu baajin waayey dagaalkii adduunkii labaad.
1 Febraayo, 1942 Madaxweeynihii Mareekanka oo la oran jirey Franklin Delano Roosvelt wuxuu beddeley magicii Ururkii Dalalka wuxuuna u bixiyey Jimciyadda Qaaruumaha ka dhexeeysa.
26 Juun, 1945 wakiillo ka kala socdey konton dal waxeey magaalada San Francisco ee Dalka Mareekanka isku raaceen Dastuurka JQ ka dhexeeysa.
JQ ka dhexeeysa waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqey 24 Oktoobar 1945 ka dib markii ey 50 dal si rasmi ah u ansixiyeen Dastuurka ey wakiiladoodu diyaariyeen.
Bishii Abril 1946 go’aanadii Shir-weeynihii ugu dambeeyey ee Ururkii Dalalka oo lagu qabtey magaalada Jenefa waxaa ka mid ahaa in hantidoodi oo dhan ey ka mid tahay Daarta Dalalka lagu wareejiyo JQ ka dhexeeysa Xafiiskeeda Yurub.
1 Febraayo, 1966 magacii ahaa Xafiiska Yurub ee JQ ka dhexeeysa waxaa lagu beddeley Xafiiska JQ ka dhexeeysa ee Jenefa.
Saldhigga JQ ka dhexeeysa ee Jenefa marka laga reebo Diblumasiyiinta matala Dalalka adduunka oo dhan waxaa ka hawl-gasha tira gareeysa 1.600 qofood waxaana sanadkasta lagu qabtaa illaa iyo 8.00 shirar caalami ah. Saldhiggaan waa kan ugu weeyn ee JQ ka dhexeeysa. Magaalada Jenefa waxaa ka howl gala hay’adaha addunka u xil-saaran dar-yeelka bani-Aadanka.