Bisha Abril 4, 2008 ayaa Maareeyaha Guud ee Jimciyadda Qaaruumaha ka dhexeysa saldhiggeedu yahay magaalada Jenefa ee Dalka Swiss/ka, Mudane Sergei Ordzhonikidze wuxuu Danjire Mudane Yusuf Maxamed Ismaaciil "Bari-Bari" si rasmi ah uga guddoomey warqaadda lagu magacaabey.
Warqaddaan waxaa saxiixey Madaxweeynaha Jamhuriyadda Soomaaliya Mudane Cabdullahi Yusuf Axmed.
Danjiraha waxaa lagu magacaabeey Ergeyga Joogtada ee Soomaaliya u fadhiya JQ ka dhexeysa ee Jenefa iyo Hay'adaha Caalamiga fadhigoodu yahay dalka Swiss/ka.
Munaasibadda guddoonka warqadda magacaabista Danjiraha waxaa goobjoogayaal ka ahaa madax kale ee ka socota JQ ka dhexeeysa, Marwada Danjiraha Zamzam Jaamac Abshir "Dhoorre" iyo Danjiraha ey DFKMG Soomaaliyeed u magacawdey Boqortooyada Ingiriiska & Barwqasooranka Commonwealth, Mudane Cabullatif Maxamuud Cabdi.
Xilka loo magacaabey Danjire Mudane Yusuf Maxamed Ismaaciil "Bari-Bari" waxaa lagu ansixiyey shir ey yeesheen Golaha Wasiirada DFKMG Soomaaliya bishii Juun 2007 kaasoo ka dhacey Caasimadda Dalka Soomaaliya, Magaalada Muqdisho.
1 Maarso 2008 Danjire Mudane Yusuf Maxamed Ismaaciil "Bari-Bari" wuxuu ku hor-dhaartey Madaxweeynaha Jamhuriyadda Soomaaliya Mudane Cabdullahi Yusuf Axmed, Ra'isul-Wasaaraha DFKMG Mudane Nuur Xassan Xusseen, Ku-Xigeenka Koowaad Ra'isul-Wasaaraha DFKMG Mudane Saalim Caliyow Ibrow, Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Cali Axmed Jaamac, Wasiiradda Haweenka iyo Hor-u-Marinta Qoyska Marwo Khadija Maxamed Diiriye, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Dib-u-Dejinta Mudane Nuur Iidoow Beyle iyo Mas'uuliyiin kale ee ka tirsan DFKMG Soomaaliyeed.
Danjiraha Soomaaliyeed waxaa sugaya hawl lixaad leh oo eey ugu horreyso dib-u-nooleeynta Xafiiska Ergada Joogtada Soomaaliyeed ee JQ ka dhexeeysa ee Jenefa.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ku nool Dalka Swiss/ka waxaa looga baahan-yahay in ey si wanaagsan oo Soomaalinimo ku dheehan-tahay ula shaqeeyaan Danjirahooda iyagoo si gaar ah u eegeya danahooda iyo mustaqbilka ubadkooda.
Sida la ogsoonyahay burburkii Dalkeena ku habsadey ka dib tirada Soomaalida ku nool Dalka Swiss/ka aad beey u korortey. Maadaama uu Danjiraha sidoo kale u xil-saaraanyahay xiriirka u dhexeeya Jamhuriyadda Soomaaliya iyo Dalka Swiss/ka waxaa laga filayaa in uu sare u qaado xiriirka labada dal iyo in uu u doodo xuquuqda Soomaalida ku nool Dalka Swisska.
Isla maalinta Danjiraha Soomaaliyeed Mudane Yusuf “Bari-Bari” laga guddoomayey warqadda lagu magacaabey ayaa dad kor u dhafaay 1000 qofood oo ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ku nool Swiss/ka ayaa marka ugu horreysey iyagoo mideeysan waxeey ku hor-mudaaharaaddeen Baarlamaanka Fedeeralka ee Swiis/ka oo ku yaal magaalada Caasimadda ee Bern, waxeeyna u doodayeen xuquuqdooda.
DFKMG ee Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Is-kaashiga Caalamiga waxeey si gaar ah ugu hawlan-tahay in ey xoojiso xiriirka Caalamiga ah Waxaa aad iyo aad lagama maarmaan u ah in ey Safaaradaha Soomaaliyeed sida ugu dhaqsi badan si dhab ah u hawl-galaan si eey u guttaan waajibaadka saaraan kaasoo ah in ey sare u qaadaan xiriirka iyo is-kaashiga Caalaamka oo ey Ummadda Soomaaliyeed sida gaarka ah ugu baahan-tahay.
Dhanka kale Beesha Caalaamka waxeey soo dhoweeyneysaa xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya maadaama ey qaaradaha adduunka iyo dalalka deriska ah ey u haajireen Soomaali aad iyo aad u tira badan kuwaasoo u baahan daryeel dhab ah iyo in loo dodo xuquuqdooda