Dikadda Magaalada Marka waxaa ku soo xertay Markab sida raashin gargaar ah oo u kireysan barnaamijka cunada aduunke ee WFP.
Markabkan ku soo xertay Dikadda Marka, waxaa galbinayay Markab Dagaal oo laga leeyahay Dalka Faransiiska, kaasoo ka soo galbinayay Dalka Jabuuti.
Sida ay sheegayaan wararka laga ka imaanaayamagaalada Marka, Markabka sida raashinka gargaarka waxaa dusha ka ilaalinaya diyaarado qumaatiga u kaca ee loo yaqaan Helicopterka.
ayada oo la ogyahay dhibaatada ka dhalatey afduubkii loo geystey markabkii laga afduubey dorraatey badda u dhaxeysa soomaliya iyo cadan , laguna tuhunsanyahay inay afduubeen burcad badeedka Soomaaliya.
Markabkan Dagaalka ah ayaa xilligan taagan Xeebta Magaalada Marka, waxaana uu yahay mid dusha ka ilaalinaya Markabka gar gaarka bani'aadanimada sida kana yimid dhinaca Dalka Kenya.
Waxaana la filayaa in goor dhow ay ku bilaaban doonto Markabkani howl raashinka looga dajinayo, waxaana raashinka uu wado yahay mid loogu tala galay kumaaanka kun ee dhibaatada ku heysata soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaaya in raashinkaani oo deegaanka ay si daran dadkiisa oogu baahanyihiin , in inta badan la dhaafindoono, loona gudbindoono gobollada dhaxe gaar ahaan, inna la siindoono kuwa kasoo barakacey dagaallada Xamar, ee ku sugan ceelasha .
Ma ahan markii u horeysay ee ay maraakiib soo galbiyaan maraakiibta sida raashinka gar gaarka ee Qaramada Midoobey u kireysan, waxaana ay tani ka dambeysay, markii ay soo kordheen afduubka kooxaha burcad badeedka u geysanayaan Maraakiibta ganacsiga iyo kuwa gar gaarka bani'aadanimada sida.
Dibaatada gobolka ayaa waxay tahay mid sii kordheyso, saa adarteed waxaa la filayaa in raashinka lagu soo gelbiyo ciidamo fara badan sidii ay u badbaaddo macuunada , una gaarto meelaha loo woda, taasi oo cabsiga laga qabo ka timid dhanka maleeshiyaadka ku sugan gobolkaasi oo aan dowladda ka amar qaadan.
Ayada oo ay soo kodheyso maalmahaani kormeerrada ay dowladdu ku hayso gobolka shabeellada hoose, taasi oo la leeyahay waxaa keeney tuhun ah in dagaallada xamar laga soo abuubulo dhanka gobolka shabeellada hoose.