Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

05/04/2008     SOMALIA IYO CAALAMKA

warbixinta kormeerkii ciidamada dowladda yio kuwa Etoobiyaanka ee gobolka sh.hoose.

Todobaadyadii tegey gobolka sh.hoose waxaa tegey meelo ka tirsan ciidamada Etoobiyaanka oo ay la socdaan kuwa dowladda federaalka, kuwaasi oo in badan ay dadka is weydiiyeen, waxa ay ka qabandoonaan gobolka, ayda oo qaar ay ka muujiyeen werwer dheeri ah, qaarna ay ku riyaaqeen imaantinka ciidamadaasi, gobolka gudahiisa.

Ciidamadaasi ayaa waxay woda tegeen magaalooyinka oogu waaweyn ee oogu m,uhiimsan gobolka, sida Qoryooley, Baraawe, buulo mareer, iyo gaar ahaan magaala madaxda gobolka ee Marka, oo halkaasina ay kulumo la yeeshee qaar ka tirsan odey dhaqameedyada la shaqeeya maamulka gobolka, inkastoo ay wararka qaari sheegayeen , in xubno ka tirsan maamulka ay ka baxsadeen gobolka oo qaari ay ku baxsadeen doonyo, qaarna ay gawaari dadweyne ku dhuumaaleysteen.

Hase yeeshee guddoomiyaha gobolka mudane C/qaadir Sh. MaxamedNuur ayaa si fiican usoo dhoweeyey, ciidamadaasi tegitaankoodii hore, isla markaana shirar la galey una adeeyey tuhunka ka jirey gobolka ee ah joogitaanka ciidamo kasoo horjeedo dowladda aysan joogin, gobolka dadkiisa oo idilna ay dowladda raacsanyihiin.

ka dib goorta ay ciidamadaasi ay kasoo laabteenn kormeerkii ay ku tegeen gobolka ayaa waxay war bixin ka dhiibeen howl galkoodii ku saleysnaa indha indheen gobolka xaaladdiisa, ayaa waxay ku war bixiyeen , wareysiyadii iyo baaritaannadii ay sameeyeen , waxaa ooga soo baxay in gobolka uu yahay meesha ay dhibaatada ooga timaado magaala madaxda dalka ee Moqdisho, halkaasina ay sal dhig u tahay kooxaha kasoo horjeedo dowladda.

Waxaa baaritaankooda ooga soo baxay sida ay wararka sheegayaan in maamulka gobolka ka jiro uu yahay mid ku lug leh kooxaha kasoo horjeedo dowladda sidaa darteedna ay amar ku bixiyeen kooxahooda , inaysan ciidamada aysan xabbad ku ridin inta ay kormeerka ku joogaan, oo ay hubkoodana ay qarsadaan inta ay ciidamada dowladda iyo kuwa Etoobiyaanka ay gobolka kor meer ku marayaan.

wararka ayaa sheegaaya inay billaabidoonaan hawl gallo ka dhan ah kooxaha ka soo horjeedo ee ku dhuumaaleysanaayo, gobollada shabeellada hoose , jubbada dhaxe iyo jubbada hoose, gobolladaasi oo laga maamulidoono , sal dhig ay ciidamada Etoobiyaanka iyo kuwa Soomaalida ka sameysandoonaan magaalada Diinsoor.

Ciidamada Etoobiyaanka oo ay la socdaan kuwa dowladda federaalka ayaa gaarey magaala madaxda gobolka shabeellada hoose, halkaasi oo ay fariisiin ka dhigteen xara loo yaqaan Ayuub, wararka ayaa sheegaaya inay ciidamadaa ay billaabi doonaan baaritaan guriguri, taasi oo la filaayo inay dhiobaato kala kulmaan, mar haddii ay run tahay inay maleeshiyaadka kooxaha kasoo horjeedo dowladda ay halkaasi ku sugan yihiin.

dadweyne fara badan ayaa muujinaaya inay baqdin xoog leh ka qabaan, taasi oo ay leeyihiin waxaa dhicidoonta inay timaad barakicin xoog leh, halka ay dhanka kale ay qaar leeyihiin, taasi waxay dhibeysaa dadka markii horeyba baad iyo boob dadweynaha ku haayey, mooyaan dadka gobolka dhibaato uma arkaan, imaatinka ciidamadaani.

Qaar ayaa sheegaaya dadweynah dhexdiisa waxaa leysla dhexmarayaa, inay kooxahii handidaad ku hayeen maalmahii tegey dadweynaha qaar ka tirsan dadka u dhashey gobolka oo ay leeyihiin, haddii aad hadashaan, mid mid ayaa guryahiinna la idinku imaanayaa oo waa la idin laaynayaa, saa darteed qaar ayaaba deeri9 ka woda xaaladda ka taagan gobolka.

Si kastaba ha ahaatee gobolladaa kor ku xusan ayaa waxaa soo food saatey xaalad cusub oo ay u dheer tahay abaaro daba dheeraadey , iyo maamul xumo ka soo jirey tan iyo intii ay burburtey dowladdii dhaxe ee militeriga 1991kii, saa darteed ma laga yaabaa inay helaan maamullo wanaagsan , oo u daneeya, mise , waxaa dhab noqonaayo, wararka ka soo yeeraayo kooxaha ka soo horjeedo dowladda federaalka oo ah gumeysi cusub, !! mise gargaar cusub , waxaan eegnaaba waa maalmaha soo socodo, waxa kasoo yeero gobolladaasi.!!

X.shabakada jammaame -Marka , Byadhoba.

Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005