Waxaa marar badan la arkaya mise la maqlaya dad sheegaya in maxkamadaha laga saray Xamar dhamaadka sannadkii 2006 inay nabadda wax ka tareen waqtigii lixda bilood oo ay magaalada caasumada ku sugnaayeen, haddaba, arrintaas waa been iska cad, waxa la yiri "hal booli ah nirig xalaal ma dhasho" maddaama, kuwa sheeganayey madaxda maxkamadaha ay ahayeen isla kuwi markii horeba hoggaaminayey maleeshooyinka burcadka aha oo dhaca iyo boobka ka waday gobollada dalka, sida Shabeellaha Hoose, Jubbada Hoose Banaadir iyo meelo kale, haddana qabsashada magaalada Xamar waxay u sii adeegsadeen isla maleeshooyinkaas oo ka koobnaa isla dhalinyaradii aha tuugada gobollada wax dhacaayey, kuwa isbaarooyinka dhiganayey, iyo kuwa aha shaxaad iyo dhagar ku nool, waana kuwaas kuwa Cabdi-Qaasim Salaad iyo kooxdiisa, ay ku tilmaamayaan maleeshooyin keenay nabad iyo xasillooni.
Sidaas daraadeeda marna suuragal ma noqoteen in madaxda maxkamadaha sida Cabdi-Qaasim Salaad, Xasan Daahir iyo Yusuf Indhacade inay ku soo rogaan magaalada Xamar nabad ku saleysan caadilnimo iyo daacadnimo, ha yeeshe qabsashada magaalo madaxda iyo xaaladaha nabad la moodka aha oo ay la soo baxeen, waxay ku hoos wateen xeelado fowda ah oo la xiriiray xoog kula waregidda talada dalka iyo fulinta danaha gaarka ah ee beeshooda fidnawada, danahaas oo ahaa sii haysashada hanti ma guurtada sida beeraha iyo guryaha oo ay horey xoogga uga qabsadeen beelaha kale iyo deegaan ballaarsi, sida ka dhacday gobllada an kor ku soo tilmaannay.
Waxaa si weyn u qaldan kuwa sheegaya in maxkamadaha ay wadeen nabad iyo inay doonayeen inay dalka xasiliyaan, taas waa been
madaxda maxkamadaha waxay ku socdeen fowda iyo xasillooni darro ku saleysana wax burburin, waxaana u qorsheesna inay xoog ku ridaan dawlad jirtay oo u fadhigeedana aha Baydhoba, dawladdaas in kasta ha la ekaatee taagteeda waxay ahayd mid muctarif ah oo si sharci ah loo soo dhisay oo aqoonsi ka haysta bulshada caalamka oo idil, teeda kale dawladda fadhiday Baydhoba waxay leedahay muddo mucayin ah oo tastuurkana ku xusan oo u waqtigeda ku dhamaanayo marka waxaa habboonayd oo haddana weli habboon in la sugo waqtigaas ay dhacayso muddada loo qabtay jiritaanka dawladda.
Dhinaca kale dawladda waxaa taageersana oo welina taageersan badi ahaan Ummadda Soomaaliyeed, marka laga reebo reer fidnawada iyo kuwa ay danahooda ku wateen oo iska ah "dameeri dhaan raacday", marka qalalaasada ay wadeen madaxada reer fidnawada oo adeegsanaya maxkamadaha ma aheyn kacdoon shacbi sida ay isku dayeen inay u muujiyaan qalalaasahaas Cabdi-Qaasim iyo raggiisa.
Haddaba marna suuragal ma noqoteen in fowdada iyo xasillooni darrada ay wadeen oo ay welina wadaan madaxda reer fidnawada oo hoggaaminayey maxkamadaha inay ka soo dhashaan xaalado ku saleysan nabad iyo degganaasho waara.
Cabdi-Qaasim Salaad kaddib dhicitaankii dawladdii Carte oo u asiga madaxda ka aha waxaa weligiisa ka go'nayd inuu madaxweynimo ku soo noqdo, marka sida la xasuusanyahay wuxuu goob joog ku aha badi ahaan shirarkii dibuheshiisiinta oo lagu qabtay dalka Kenya, haddana wuxuu ninkaan ka qayb galay tartankii doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo lagu qabtay Mbagaati bartamaha sannadkii 2004, ha yeeshee wuu ku soo huggoobay tartankaas, marka waxaa ka go'an inuusan marna carqalada ka daynin dawlad kasta oo la soo dhiso marba haddii asiga uusan madaxweyne ka ahayn.
Cabdi-Qaasim wuu ogaa nidaamka lagu soo dhisay dawladda Cabdul-Laahi Yuusuf inuu ahaa nidaam ay ku wada heshiiyeen dhamaan beelaha Soomaaliyeed, nidaamkaas oo laga soo saaray shirarka u asiga goob joog ka aha oo ay beelaha u fadhiyeen muddo laba sano ka badan, Cabdi-Qaasim marki hore wuu ku qanacsana raallina wuu ka aha go'aannada ka soo baxay shirarkaas wuxuna ka qayb qaatay dhismaha barlamaanka madaama u ka tala bixiyey xulashada xubnaha beeshiisa uga qayb galayey barlamaanka. Cabdi-Qaasim inu intaas raalli ka aha waxaa ka marag ah inuu asiga hor tagay barlamaanka cusub oo ku shirsana Mbagaati kana codsaday in loo doorto madaxweynenimo. Ha yeeshee ina Salaad Xasan wuxuu isbeddalay kaddib marki looga adkaaday doorashada madaxtinimada qaranka, ninkaan waqtigaas kaddib wuxuu isku rogay qarandumis, waxayna go'aansadeen asiga iyo madaxda kale ee beeshiisa inay caarqalo joogto ah la hortaagnadaan dawladda, iyo inay burburiyaan xukumad kasto oo loo dhiso maamulka dalka.
Haddaba, Cabdi-Qaasim Salaad iyo kooxdiisa sababaha ay u asaaseen waxa ay ku sheegayaan maxkamado waa fulinta ujeeddooyinka
gurracan o an kor ku soo xusnay, waxaana la mid ah maxkamado ku sheegga, kooxda kale ee al-shabaab oo madaxda reer fidnawada
ay u asaaseen inay u adeegsadaan fulinta dhibatooyinka ay ka mid yihiin gumaadka micno darrada ah oo haddeer lagu hayo shacabka.