Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

03/04/2008     SOMALIA IYO CAALAMKA

Sheekh Yuusuf Indhacadde oo beeniyey tuhunka af-duubka loogeystey qaar shisheeyey gobolka j/dhexe.

Guddoomiyaha gaashaandhiga isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) ayaa ku ti,maamey been aan sal iyo raad leheen, wararka maalmahaan leys;a,dhexmaraayey ee ku saabsaneyd af duubkii loo geystey qaar ka tirsan hay'adaha samafalka ee lagu afduubey gobolka jubbada dhexe.

tuhun ka soo yeerey qaar ka mid ah mas’uuliyiinta DF ay u magacowday gobolka J/dhexe oo ahayd inuu ka dambeeyey afduub shalay ka dhacey deegaanka Saakow ee gobolkaasi loogu geystay labo nin oo shisheeye ah oo ka tirsanaa shaqaalaha hey’addaha samafalka ee ka howlgala gobolkaasi, kuwaasoo maalintii labaad ku jira gacanta kooxo aan la garaneynin oo afduub kula kacday.

Sheekh Yuusuf Indhacadde ayaa sheegay in warka ka soo yeeray mas’uulkasi inuu yahay been raqiis ah oo la dhoodhoobay, wuxuuna taa bedelkeed dusha kaga tuurey eedeenta afduubkaasi ay ka dambeeyaan burcad ay isku beel yihiin guddoomiyaha gobolka J/dhexe, kuwaasoo doonaya buu yiri inay lacag madax furasho ka qaataan shisheeyahaasi ay afduubka kula kaceen, wuxuuna sheegay in guddoomiyha gobolka J/dhexe laftigiisa uu wax ka og yahay afduubkaasi balse uu eedeeyntan uu isaga u jeediyey uu ku doonayo inuu ra’yul caamka ku qaldo si aan loo tuhmin.

“Anagu ma nihin kuwo afduubta dadka shacabka masaakiinta wax u qabanaya ma dilno mana dhacno, dadka falalkaas ku sifoobayna waa la yaqaanaa oo bulshada loo tilmaami maayo, waxaana ka dambeeya afduubkan rag ay isku beel yihiin guddoomiyaha gobolka J/dhexe oo isaguba uu yaqaano, waxna ka og’yahay, waxaana u sheegeynaa beesha caalamka iney arintaasi fiiro gaar ah u yeeshaan” ayuu yiri Indhacadde oo intaa ku daray in ujeedada ay u dagaalamayaan aysan kuba jirin afduub iyo wax la mid ah, balse ay tahay iney shacabkooda ka xoreeyaan wax uu ugu yeeray cadowga soo duulay iyo cadow kalkaalka.

guddoomiyaha gaashaandhigga is baheysiga dib u xureenta ayaa ku sugan gobollada shabeellada hoose iyo jubbada dhaexe , sida uu horey dhowr jeer war baahinnada u sheegey, saa darteed dhibaatooyinka ka dhaco gobolladaasi ayaa ah kuwa keena in lagu tuhmo asaga iyo kooxda uu woto, taasi oo weerarro fara badan ka dhigey gobolladaasi, isla markaana geystey dilal fara badan.

Isla markaana tuhunka ayaa ka imaankaro, mar haddii ay dowladda federaalka ay ka soo horjeedaan, taasi oo keento inay Soomaali badan ku naf beelaan weerarradoodaasi, ayna kordhineyso amaan darrada ka jirto gobolladaasi.

xafiiska shabakada jammaame - Baydhoba

Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com


Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho. Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.

jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com

««« Go Home


jammaame.com - All rights reserved - © 2005