|
Madaxweynaha ayaa xarig ka jaray dhismaha xarunta cusub ee ka hortagga dambiyada ciidanka Booliska Soomaaliyeed .
Mudane cabdulaahi Yuusuf Axmed Madaxweynaha Dowladda soomaaliya ayaa xariga ka jaray dhismaha xarunta cusub ee ka hortaga dambiyada ciidanka Booliska Soomaaliyeed .
Madaxweynaha ayaa halkaasi hadallo ka jeediyay xafladii lagu furayay munaasabada dhismaha Xarunta ka hor tagga dambiyada ee Ciidamada Booliska leeyihiin ayaa sheegay in dhismahan uu xarigga ka jaray uu rajeynayo in ay noqoto mid si weyn u ilaalisa nidaamka sharciga booliska iyo amni soo celinta .
Mudane yuusuf ayaa carabka ku adkeeyay in ay wanaagsan tahay in nabadda laga woda shaqeeyo si qaranimadii luntay ee dalka Soomaaliya usoo laabato.
Asaga oo ka hadlayay arrimaha dib u heshiisiinta ayaa waxa uu tilmaamey in ay dhankooda wax walba diyaar u yihiin, balse dad walaalaheena ayaa shiddo woda, oo dhibaata dalka iyo dadka ku haayo ayuu yiri.
"Umada soomaaliyeed waxay ku jireen dhibaato, waxaana loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo nabad si loo samata bixiyo, qof walbana waxaa waajib ka saaran in ay ka shaqeeyaan nabada"ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf.
"Waxaan la soconayaa in dad walaalaheena ay yihiin kuwa shidada wada, oo dagaalka kaga qurux badan yahay nabada, kuwaas waxaan leenahay iimaanka allaha geliyo"ayuu mar kale ku celiyay Madaxweynaha.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen Cabdi Qeybdiid oo ka hadlay munaasabadaas ayaa waxaa uu sheegay dhismaha ay gacan ka wada geysteen Ciidanka Booliska Soomaaliyed iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Waxaa uu sheegay in ujeedka xarunta hogaanka dambi baarista Ciidanka Booliska uu yahay in cid waliba ay xaq u yeelato iyadoo aan waxba loo dhimeyn nidaamka iyo kala dambeyn booliska.
Furitaanka hogaanka dambi baarista Ciidanka Booliska ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas'uuliyiin iyo saraakiil ka socotay Ciidamada Qalabka sida.
Ma ahan markii u horeysay ee uu Madaxweynaha xarigga ka jaro xarun ka mid ah kuwa Dowladda ku shaqeyso, waxaana bartamihii sanadkii hore aheyd, markii uu xarigga ka jaray Xarunta gaadiidka ee Visha Bra, taasoo ahaa halkii laga xukumi jira Gaadiidka Dowladii hore.
xafiiska shabakada jammaame - Moqdisho
Xafiiska Jammaame
jammaame@gmail.com
Shabakada jammaame :Halqabsi: Waarimeyside war hakaa hadho.
Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdisa asaga ayaa ka mas'uul ah.
Shabakada jammaame :Halqabsi:Waarimeyside war hakaa hadho.
Qof walbo aragtidiisa iyo odhaahdiisa asaga ayaa ka mas'uul ah. qoraalka ma matilaayo aragtida shabakada haba yeraatee.
jammaame@gmail.com
Jammaame Information Center webmaster@jammaame.com
««« Go Home
|
|
jammaame.com - All rights reserved - © 2005 | |