Wararka ka imaanaya gobolka shabeellada hoose ayaa sheegaaya inay ciidamada Etoobiyaanka iyo kuwa dowladda oo woda jira, ayaa joojiyeye howl galladii ay ka wodeen magaalada buula mareer.
\Kuwaasi oo soo woda marey magaalada madaxda gobolka shabeellada hoose iyo qoryooley iyo Baraawe, ayaa oogu dambeentii ku sugnaa magaalada Buulo Mareer, halkaai oo ay ka wodeen howl gallo ku saabsan baaritaan, kooxda ka soo hor jeeda dowladda, oo wararka ay u bateen inay ku dhuumaaleysanayaa gobolka, inkastoo m,asuuliinta gobolka ay arrintaasi ka laba codleeyeen.
qaar ayaa horey u sheegey inay gobolka ku suganyihiin , kuna tababartaan gobolka, qaarna waxay sheegeen inuusan warkaasi jirin,oo ay tahay been abuur, hase yeeshee waxay wararku xusayaan in masuuliinta ay ka mid yihii xubno ka tirsan kuwa dowladda ka soo horjeedo , taasi oo laga tix raaco hadallada ay warbaahinta u gudbiyaan, mararka qaar, oo ay ku tilmaamaan inay tahay mid aanan ka adkeen nabad sugidda Caasimadda dalka oo ayagu ay sugaan amaanka gobolka.
Kasoo bixitaanka ciidamadaan ayaan la hubin halka ay aadi doonaan inay gobolka gudahiisa ay ku meereysandoonaan iyo inay usoo noqondoonaan saldhigga ay ciidamada etoobiyaanka ay ku leeyihiin magaalada Afgooye ,siocdaalkaa ay ku lug bixiyeen ciidankaan gobolka shabeellada hoose ayaa ah midkii oogu horreeyey ay ceenkaa sameeyaan, waxaase la ogeen inay dib oogu soo noqondoonaan iyo in kale.